Bishaar Cabdi Ibraahim oo ah Aabaha Nasra Bishaar Cabdi oo 4 Jir ahayd Labo Nin ay ku Kufsadeen Magaalada Mombaso Kaddibna Ku dileen 30-kii Bishii Dcember 2012 ayaa Ka Codsaday Dowladda Kenya in Sharciga La Horkeeno Dambilayaashii Arxanlawayasha ahaa ee Falkaasi Geystay.
Bishaar ayaa Sheegay in Falkaan uu dhacay Maalin Axad ah Qadar 30 Daqiiqo Gudaheed “Gabadha Banankee kula Ciyaaraysay Caruur Kale Wax Yar Kaddibna waa la Wayay 30 Daqiiqo Gudaheedna waxaan Helnay Meydkeeda Markan raadinay waxaa La sheegay in Nin Weyn oo Da’a ah uu Caruurta kala dhax baxay” ayuu Yiri Bishaar.
Bishaar ayaa Sheegay in Falka ay Gaysteen 2 Ruux waxaana uu sheegay in ay Ceejiyeen Gabadhiis yar.
Arrintan ayaa Kicisay Soomalida Mombaasa oo keentay Dareen Cusub iyadoo Maalmihii Ugu Dambaysana ay Noqotay Hadal Haynta ugu weyn Culimadana ay ka Hadleen arrintaan waxaana la filaya in Berri Halkaasi uu ka dhaco Dibadbax looga soo Horjeedo Dhacdadan.
Aabaha Gabadha Dhalay Bishaar Cabdi oo uu Waramayay Idaacadda Daljir Isagoo Jooga Mombaasa Hoos Ka Dhagayso
Xildhibaan Aadan Barre Ducaale oo kamid ah Xildhibaanda Soomaalida ah ee Dowladda kenya ayaa Maantay Hordhigay Barlamaanka Dalkaas Dhacdadas ka Dhacday Maalada Mombaasa ee Dalka Kenya ee Kufsiga iyo dilka Loogu Gaystay Gabadha yar ee an wax galabsan.
Hoos ka Dhagayso Codka Xildhibaan Ducaale
Raad Raac News Desk
|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News oo ku Darso Face Book si aad u Hesho
Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||
— Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com —








Comments are closed.