Alshabaab Oo sheegtey in Wali Gacanta ay Ku Hayaan Sarkaalkii Fransiiska Denis Alex

Faarax January 13, 2013 0
Alshabaab Oo sheegtey in Wali Gacanta ay Ku Hayaan Sarkaalkii Fransiiska Denis Alex


 

Wararka ka imaanaya deegaanka Buulo mareer ayaa sheegaya in AL Shabab ay ula dhaqaaqeen la hayste Denis Alex dhinaca gobolka Bay deegano hoos taga.

AL Shabab ayaa ka cabsi qaba in weeraro dheeraad ah ay kala kulmaan Ciidamada kumandooska Faransiiska oo  weerar ay ku fashilmeen  ay ku qaadeen aroortii hore ee sabtida isla markaasna ay doonayeen inay kusoo furtaan Denis Alex oo ah nin ka tirsan sirdoonka Faransiiska oo tan iyo 2009 ku jira gacanta Al-Shabaab.

Xogta aanu heleyno ayaa sheegaysa in Denis Alex ay Shabaabka ula dhaqaaqeen deegaan ka tirsan Gobolka Baay,  waxaana laso sheegayaa in Mileeshiyada Ilaalineysa ay kala hogaaminayaan Labo Sarkaal oo qeybo kala duwan lagakala keenay.

Wixii Warar ama xog ah ee nagu soo kordha kala soco wararkeena dambe inshaa allaaah






|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

-- Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com --

Leave A Response »