Amar Cusub Oo Saaka Lagu Spoo Rogey Ganacsatada Waratada Ee Magaalada Kismaayo

Faarax January 3, 2013 Comments Off
Amar Cusub Oo Saaka Lagu Spoo Rogey Ganacsatada Waratada Ee Magaalada Kismaayo

Sida ay ku waramayaan wararka saaka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ay ku waramayaan in saaka Maamulka gacanta ku haya Magaaladaasi ay halkaasi ka bilaabeyn  howlgalo lagula dagaalamayo dadka ku ganacsada hareeraha wadooyinka magaalada Kismaayo.




style=”display:inline-block;width:160px;height:600px”
data-ad-client=”ca-pub-6443843021760065″
data-ad-slot=”5949012579″>

Dad Goobjoogayaal ah ayaa Raadraacnews.com ugu waramey in saaka magaalada Kismaayo ciidamada gacanta ku haya ay wadaan howlo Lagu nadiifinayaan wadooyinka hareeraheeda oo ay ganacsi soo dhigtaan Dadka Loo Yaqaano waratada oo noqdey suuq caadi ka ah Sanadihii ugu dambeeyey Guud ahaan Dalka Soomaaliya.

Masuuliyiin maamulka magaalada Kismaayo ayaa sheegey in howlgalkan uu yahay mid lagu soo celinayo bilicda magaalada sidoo kalena waratada ay dhib weyn ku hayaan Galista gaadiidka Suqyada waa weyn sidoo kalena ay Qatar ugu jirto in mararka qaar hakad uu galo guud ahana ganacsiga.

Dhanka kale dadka saaka laga kiciyey ganacsigooda ayaa aad uga cabanayayey iyagoona xusey in in saaka magaalada ay ka socdaan howlagalada lagu qaadayo ganacsiga yar yare e la hordhigto wadooyinka waa weyn ee suuqa

|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

— Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com —






Comments are closed.