Aqoonyahan dhanka ciidanka yaqaan oo ka hadlay weerarkii Buulo Mareer

Faarax January 13, 2013 0
Aqoonyahan dhanka ciidanka yaqaan oo ka hadlay weerarkii Buulo Mareer


 

Mid kamid ah aqoonyahanada dhanka Ciidanka oo ku sugan magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya,ayaa ka hadlay howlgalkii fashilmay ee ciidamada France ku qaadeen degmada Buulo-Mareer ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Pro Craxmaan Daa’uud Nuur ,oo ku xeel dheer arimaha gaashaandhiga ayaa weerarkii Buulo-Mareer ku tilmaamay mid sharci daro ah haddii aysan ka warqabin dowlada dhexe ee dalka Soomaaliya.

Wuxuu sidoo kale in ciidamadaasi ay ku fashilmeen weerarkii ay ku doonayeen inay kusoo furtaan muwaadinka u dhashay dalkooda laakiin aysan u suurto galin.

Aqoonyahankaan ayaa ugu baaqay dowlada dalka France iyo dowlada Soomaaliya inay magdhow siiyaan shacabkii ku dhamaaday duqeyntii ka dhacday degmada Buulo Mareer ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Si kastaba arintaan ayaa kusoo aadeyso iyadoo dowlada France weeraro ciidamadeeda ka geysteen dalalka Mali iyo dalka Soomaaliya,kaasi oo loo malaynayo inay xiriir leeyihiin labada weerar.

|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

— Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com —






Leave A Response »