“ASAD” Filin Aan Macna Badan Xambarsanayan oo Meel Sare ka Galay Filim Cabirka Shirkadaha Caalamiga oo HollyWood ay soo Samaysay 100% ay Somali Jilayaan.

Faarax January 25, 2013 0
“ASAD” Filin Aan Macna Badan Xambarsanayan oo Meel Sare ka Galay Filim Cabirka Shirkadaha Caalamiga oo HollyWood ay soo Samaysay 100% ay Somali Jilayaan.


 

Filinka ASAD oo lagu Dhigay Meel Xeeb ah oo ku Taala Dalka South Africa Isla Markaana ay ka qaybgaleen Jilitaankiisi Boqolaal Soomali ah oo Dhamantood Dhinacyo badan kala Jilayay kaaso Gebeigiis ahaa Af Soomaali ah Haddana Dhamantood ay yihiin Somaali South africa Qaxooti ku ah.

Filinka Waxuu ku socda Wiil Yar oo Lagu Magacaabo Asad, kana soo Jeeda Qoys aan Dhaqala Haysan Isla Markna ku Hoyda Buush, Laakin ASAD waxaa ka Muuqatay Fariid Nimo, waxuuna ka shaqaysta Kaluunka Marka la Keeno Xeebta.

Marka Dhab ahaan laga Hadlo Filinka Ma Xambarsana Macna weyn ama Meel uu ku Wajahanyahay Burcadbadeed ama Dhinacyo Kale Marka Laga reebo in Soomaalida ay Yihiin Dad Waxuush ah oo aan wax Kala Garan Dadkana Laaya Taas ayaana ku Tilmaamaysa Markaad daawato, Rag Hubaysan oo Bila Micna Dadka ku dilaya.

Filimka Guud ahaan waa 18 Daqiiqo, Dad badan oo Daawaday Soomaalina u badan ay ku Jahwaray Halka uu uu socdo iyo Micnaha laga damacsanyahay Filinka,laakin Dhanka Kale waxuu Noqday Filinka Mid Muujiyay in Somalida keligeed jili karta Filinka inkastoo sida ka Muuqatay Qoraalka filinka ay lahayd Holly Wood ama Hadalada ay Oranayaan, laakin somali keligood karti u leeyihiin hagidda iyadoo la xasuusto in filimanta somalida ku saabsan waddamo african lagu soo jili jiray.

Filinka waxuu Muujinaya Dhanka Kale Wiilka uu ku socdo ee ASAD in uu yahay Wiil Naxariis badan Isla Markaana Fikir Fiican.
Dhankale haddana waxaa ka Muuqata Dabeecadaha Soomalida gaar ahan Dhanka Balwadda iyo Falalka Burcadbadedda oo aan si buuxda loo sii dhex gelin.

Dadka Qaar ayaa u Dareemay in laga waday “Wiil ka soo Jeeda Qoys Faqiir ah Haddana Burcadbadeednimada ka Doortay Faqriga in uu ku sii jiro” xili ay ka Muuqanayso Filimka Rag asaagiisa ah oo Badda u doonanaya Qafalasha Maraakiib.

Filimkan ASAD waxuu Hadda ka Soconaya Shaneemooyinka Maraykanka Isagoo ah Filim Gaban (Short Film) waxaana la sheegaya in Dad badan ay Xiisaynayaan dawashadiisa.

Aasad ayaa Warbixinta sheegaysa in usan waxba akhrin waxna qorin laakin la xifdisiyay ilaa 19 Page, waxaana ka hor filimka ASAD 6 Bilood ka hor uu ka Yimid Magaalada Muqdisho.

Dhalinyaro badan oo Soomaliyed oo aan wax ka weydiiyay ASAD waxay u Dareemeen mid aan Macna Badan ka Muuqan Balse Todobadkan ayaa la arki doona Natiijadiisa.

Maclumadka uu ku qaatay OSCAR-ka kala soco Linkiga Hoose.

http://www.hungryman.com/7909/bryan-buckleys-short-film-asad-heats-up-the-film-festival-circuit/

 

 

 

Waxaa Isku soo Duway Bahda Raad Raac News oo Daawatay Filimkaas, Dhowan ka filo Webka si aad u Daawato.

|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

— Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com —







Leave A Response »

 

Facebook

Get the Facebook Likebox Slider Pro for WordPress
HTML Snippets Powered By : XYZScripts.com