Booliiska Mudug oo Sheegay inay Ka Hortageen Isla Markana Fashiliyeen Bananbax looga Soo Horjeeday Dowladda Puntland Maanta (Dhagayso)

Faarax January 14, 2013 0
Booliiska Mudug oo Sheegay inay Ka Hortageen Isla Markana Fashiliyeen Bananbax looga Soo Horjeeday Dowladda Puntland Maanta (Dhagayso)


 

Taliyaha Ciidanka Booliiska Mudug ee Puntland Jaamac Maxamed Axmed ayaa Sheegay in Ciidanka ay Agab fara badan ka aruursadeen Dad doonayay inay abaabulan sameyaana Banaanbax Balaaran Isla Markaana ay Ciidanka Gacanta ku dhigeen Codbaahiyaal ay wateen si Codkooda Dadka u Gaaro iyo Boorar ay ku Qornayeen Oraahyo kala duwan oo Lid ku ah Maamulka Talada Haya.
Jaamac aya Sheegay in Ciidanka Amniga amar Buuxa lagu siiyay Hakinta Bananbaxyada oo ay u arkaan Mid amniga lagu Qalqalgelinayo waxaana uu Sheegay in Bananbaxyada Gaalkacyo laga abaabulayo ay ka Dambeyaan Siyaasiin ay ka Warqaban waxaana uu ugu Baqay in Arrimahaasi ay ka Baaqdsadaan.

 

“Kama Yelayno Cidii wax Khaldan Gobalka ka Samaysa waxaana leenahay halaga waantoobo”

 

Inkastoo Taliyaha Booliska uu Arrintaas ka Hadlay Haddana wararka Dhanka Dowladda ka Madaxbanaan ayaa sheegaya in ay ka socdaan Abaabulo Dibadbaxyo ka dhan ah Dowladda, taaso ay Dowladdana Dhankeeda Isha ku Hayso.

 

Haddaba Hoos Ka Dhagayso Taliyaha oo Dhinacyo badan Ka hadlay Mar uu la Hadlayay Idaacadda Daljir

 

 

Raad Raac News Desk Gaalkacyo

|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

— Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com —






Leave A Response »