Madaxweynihi Hore ee Puntland General Cadde Muuse ayaa Maanta si Diiran loogu soo dhoweyey Magaalada Gaalkacyo mar uu la Hadlay Warbaahinta ayuu sheegay in uu u yimid sidii uu ula kulmi laha Waxgaradka Gobalka Isla Markaana uu kala hadlo Xaaladaha Puntland ay ku sugantahay.
“Inaan ka shaqeeyo Nabadgelyada ayaa ugu Muhiimsan Socdalkayga waana taas arrinta aaan Meelo badan u soo Maray” ayaa Kamid ahaa Hadalada Cadde Muuse.
Isla Galabta waxuu Cadde wadahal la yeeshay Odayashaa Dhaqanka iyo Waxgaradka Gobalka Inkasto aan si Rasmi ah loo shaacin wadahadalka waxa uu diiradda sarayay.
Qaybaha Siyaasinta ku sugan Gaalkacyo ee diidan Siyaasadda Maamulka Talada haya ayaa Maanta Cadde ku soo dhoweyey Gaalkacyo waxaana la filaya in dhinacooda xita uu ku jiro qorshaha Cadde uu u tagay Galkacyo si uu wadahadal ula yeesho.
Hoos Ka Dhagayso Codka Cadde Muuse.
Raad Raac News Gaalkacyo
|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News oo ku Darso Face Book si aad u Hesho
Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||
— Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com —













Comments are closed.