Degmooyinka Huriwaa iyo Kaaran ee gobolka Banadir ayaa Wararka naga soo gaaraya waxa ay sheegayaan in qaraxyo caawa lagu weeraray ciidamo ka tirsan dowladda somalia oo ku sugnaa degmooyinkaas.
Ciidamo ku sugnaa Xaafadda Jamhuuriya ee degmada Kaaran ayaa weerar lagu qaadey iyadoo ay ahaayen ilaa labo bam nuuca gacanta laga tuuro waxaana dadka deegaanka ay sheegen kadib weerarka ama qaraxa kadib ay maqleen rasaas ay fureen ciidamada dowladda somalia ee la weeraray.
Ilaa haatan lama oga qasaarha dhabta ah ee ka dhashtey Qaraxyadaasi weerarkaas bamboonooyinka ah ka dib la maqlayey rasaas ay fureen ciidamada kadib markii lagu tuuray Bam-baanooyinka.
Dhanka kale Ciidamada Dowladda ee Fariisin ka ku leh Shineemo Cabdi Waayeel Xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Huriwaa ayaa iyana lagu tuuray saddex bam gacmeed waxaana dadka deegaanka ay sheegayaan inay jiraan qasaaro kasoo gaaray ciidanka qaraxyadas bam baano ee lagu weeraray waxana jiray in Ciidamada ay rasaas fureen.
Iyadoo aysan aheyn Qaraxyada Noocaan kuwa muqdisho ka dhaca ayaa waxaa meesha ka baxsadey kooxiihii weerarkaasi geestey oo ka baxasaday goobta uu falkaasi ka dhacay mana jirt faah faahin dheeraad ah iyadoo xilli habeen ah ay ahayd islamarkaasna ay adagtahay in wax badan la ogaaado.
|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News oo ku Darso Face Book si aad u Hesho
Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||
— Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com —












Comments are closed.