Waxaa Maalmihii U danbeeyay Soconayay Dadaalo Lagu doonayay In Lagu Joojiyo Qaadka Laga Isticmaalo Wadanka UK Waxaana Guddi dowladda Britain u xilsaartay Inay baadhitaanno Ku Sameeyaan dhibaatada qaadka ayaa Gabi ahaanba Iska diiday in qaadka laga mamnuuco Britain.
Kooxdan ayaa sheegay inaysan jirinHaba Yaraate In caddeyn muujinayso in qaadku dhibaato leeyahay Isla Markaasna Aysan Muuqan Ujeedo Loo Mamnuuco.
Sidoo Kale Guddiga ayaa soo saaray warbixin ay wasaaradda arrimaha gudaha Dalka Britain u Xilsaartay Taasoo lagu baadhay dhibaatada shaqsi iyo tan bulsho ee qaadku ku hayo dadka ku dhaqan Britain.
Qaadka ayaa Ayaa Waxa Dalka Britain looga soo dhoofiyaa Kenya Iyo Ethopia Waxaana dadka aad u istcimaala ka Mid ah Soomaalida Iyo Yamaniyiinta. Bilowgii Bishaan Ayay Ahayd Markii Dowlada Netherland Ay Mamnuucday Ka Ganacsiga Iyo Istcimaalka Qaadka ,
Go’aankan Ka Soo Baxay Dowlada Britain Ayaa Waxaa Si Weyn Usoo Dhaweeyay Muqayiliinta Ku Nool Qaarada Yurub Oo Hada ah wadanka Kaliya Ee Sida Sharciga ah Uu Uga Soo Dago Qaadka ,
Abuukar Cawaale Oo ka mid ah Soomaalida u ololeysa in qaadka laga mamnuuco Britain ayaa Ayaa Dhawaan Ii Sheegay Hadii ay Ku Guuldaraystaan In La Joojiyo Qaadka Ay Racfaan Ka Qaadan Doonaan Go’aankaas ,
Ahmed Hussein Haji Adam
Axmedxusen@gmail.com
|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News oo ku Darso Face Book si aad u Hesho
Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||
— Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com —











