Dowlada Soomaalia oo sheegtay in shabaab ka saari doonto gobalka Baay.

Moos Bukeeni January 3, 2013 Comments Off
Dowlada Soomaalia oo sheegtay in shabaab ka saari doonto gobalka Baay.


 

Wafuuda dowlada Soomaalia ee ku sugan Baydhabo ayaa faah faahin ka bixiyay socdaalkooda ay halkaasi ku joogaan.

Wefdiga dowlada federaalka Soomaalia ee ku sugan magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay ayaa waxay faah faahin dheer ka bixiyeen socdaalka ay ku joogaan magaaladaasi.

Wefdigan ee uu hogaaminayo Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga Xuukuumada Soomaalia Cabdixakiin Maxamuud Xaaji Fiqi ayaa waxaa uu shaaca ka qaaday in ujedka socdaalka ay ku joogaan baydhabo ay tahay sidi ay dhawaan u bilaabi lahaayeen howlgalo gobalkaasi looga sifeynayo kooxda Shabaab.

Sidoo kale Wasiirka Gaashaandhiga Soomaalia ayaa waxaa uu shaaca ka qaaday in ciidanka dowlada Soomaalia ee halkaasi ku sugan u geeyeen guno mushaar ah oo aan in muda ah ciidankaasi la siinin.

Xubnaha wefdigan ayaa sheegay in inta ay ku sugnaan doonaan magaalada Baydhabo ay qaadi doonaan tallaabooyin ay ku tilmaameen in qeybaha kale ee gobalkaasi kaga saari doonaan malleeshiyda kooxda Alshabaab.

Wasiirka Gaashaandhiga ayaa dhowaanahan socdaalo ku tagayay magaalooyinka laga saaray Al-Shabaab, si uu u dhiira geliyo ciidamada xooga dalka.

Raadraacnews

Puntland Somali.

 






|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

-- Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com --

Comments are closed.