Filimka ASAD oo Soomali Qaxooti ah ku Sameyeen South Africa oo helay 13 Abalmarin oo Caalami ah “Dib u Eegis Taarikhda Filimka ASAD”

Faarax January 25, 2013 0
Filimka ASAD oo Soomali Qaxooti ah ku Sameyeen South Africa oo helay 13 Abalmarin oo Caalami ah “Dib u Eegis Taarikhda Filimka ASAD”


Filinka ASAD waxaa Fikirkisa lahaa Bryan Buckley oo ah Filim Sameeye Maraykan ah oo ka Tirsan Holly Wood-ka waxayna ku dhalatay sannaddi 2010-kii Wakhtii u Shaqo u tagay Xerada Qaxootiga Kaakuma ee Waqooyiga Dalka Kenya oo Qaramada Midobe ay ka Codsatay Gaar aaan UNHCR in uu u Sameeyo Filimo Wacyigelin u badnaa, o qorshahiisu aha kordhinta Wacyiga Dadka Qaxootiga ee Rabshadaha Qaxootiga Dunida.

Markii Buckley iyo Kooxdiisa ay Filin ka diyaariyen Xerada waxaa u soo Baxday arrimo badan oo ay la Yabeen kuwaaso ku saabsanaa Xaladihii ay ka soo Babadeen Dadkaas ee ahaa Dagaalo iyo Abaaro.

“Aaragtideena Waddanka Somaliya aan ka qabnay waxay aayd waxyabaha ay Warbaahinta Baahinayen oo ahaa Abaaraha iyo Burcadbadeedda” ayuu Yiri Buckley

Taas waxay Keentay in ay Daboosho waxybo badan oo Biniadanimo ahaan laga been Sheego Gudaha Soomaalida
Waxana kaddib markii Buckley u ku laabtay Maraykanka  go’ansaday in u arimahaas Filim ka sameeyo taaso ku timid Filimkan ASAD.

Magaca ASAD waa Mid uu Filimka uu ku Jilayay Harun Maxamed oo ah 12 Jir Matalayay Kaluumayste kala doortay Burcabadeed iyo Jilabaasho laakin doortay u Daacad ahanshaha Kaluumaysato.

“Waxaan Jeclahay inaa Taajir Noqdo Sida Jay Z” Sidaa waxaa Yirir Asad oo ula Jeeday Jay Z Heesaga Caanka Maraykanka.

Filimka Gudahiisa

Asad ayaa qaatay Talo ka timid Ibraahim Moalin oo ilaa 1997 Qaxooti ku ahaa South africa isla markaana Matalayay Kaluumayste taladaaso ahayd in uusan Raacin Ragga ugu Yeeraya Burcadbadeddnimada.

“Gudaha Somalida Bulshada Qaarkood Burcadbadeednimada waxay ula qabsadeen Shaqo ahaan waayo Dalka malahan Dhaqale iyo Warshado si ay ugu Badbadaan” ayuu yiri Buckley.

Harun Maxamed waxa Filimka la waday Walalkiis runta ah ee Cabdiweli Maxamed oo labadoodaba ka soo wada Jeeda Qoys ka kooban 16 Qof oo ka soo carary Coladihii Dalka Soomaaliya weligodna aan bad arag Filimkan ka hor.

Mid kamid ah Filim qaadayaasha ayaaa Yiri waxay ku bilaabatay Fikir Fudud iyo Filim Gaaban laakin Baxadweyn Ujeedkiisa, Filimka ayaa lagu Sameyeey Meel 3 Saac looga socdo Waqooyiga Cape Town, waxaana shaqa ka helay ilaa 70 Qof oo Soomali ah oo Melo badan kaga jiray Filimka, waxaana Filimka oo ahaa 18 Daqiiqo la duubayay Muddo 5 Cisho ah.

Qoraalada Filimka ayaa Qaarkood laga Diyaariyay Bugaag ay Arrimaha Burcadbadedda Soomaaliya ka qoreen Qorayaal Sare .

“labada Wil midkood ma garanayn Luqadda weligood midkoodna waxba ma qorin oo ma akhrin waxayna noqotay in ilaa 19 page oo qoraal ah la xifdisiiyo waxaa taas ka daran is fahan la’aant qof garanay oo keliya Haa ama Maya Camerada Horteeda” ayu yiri Buckley

Arintaas waa tan Keentay in Wiilasha uu Flim sameeyaha ku daray School ay ku qaatan Korsooyin Luuqadda Ingiriiska oo Buuxda xitaa Guriga ay ku qaatan wakhtiyo gaban Casharo badan, sidoo kale ila 5,000 o ka imaan doonta Xafladaha abaalmarinta una helayo Asad aya ku bixi doonta waxbarashadiia in uu ku sii wato.

Qorshaha ayaa ah in Abaalmarinta ASAD ay Marayka kaga qaybgalaan Wilasha yar kuna tagan Boqasho Taarikhi ah.

Filim sameyaha ayaa yiri 24-ka Febraayo Marka abaalmarinta Asad la Gudoonsiiyo Holly Wood ay Farxad iyo sharaf u tahay Somalida qaxootiga ku ah South Africa iyo Qurbahaba Isla Markaana ay Guul weyn tahay.

Arrinta Kale ee Filimka ayaa Noqotay in Soomaalida ay samayn karaan Filim iyadoo filimantii Hore ee soomalida laga samayn jiray laga keeni jiray shaqaalaha waddamo kale oo Afrikan ah oo dhaqanka soomaalida aysan qaarkood aqoon u lahayn.

Waxaa Qoraalkan Diyaariyay Bahda Raad Raac oo soo Aruurisay 5 Saac ee Ugu Dambeysay waxyabihii ay ka qoreen Wakaaladaha Wararka Caalamiga.

|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News oo ku Darso Face Book si aad u Hesho
Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

— Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com —

Leave A Response »

 

Facebook

Get the Facebook Likebox Slider Pro for WordPress
HTML Snippets Powered By : XYZScripts.com