Garoowe oo Fideysa iyo Dhismooyin Bilic Wanaagsan oo ku soo Badanaya (Daawo)

Faarax January 21, 2013 0
Garoowe oo Fideysa iyo Dhismooyin Bilic Wanaagsan oo ku soo Badanaya (Daawo)


 

Magaalada Garoowe ee Xarunta Puntland ayaa u Muuqata Mid sii Fideysa Dadka ku dhaqana ay sii Kordhayaan Maalinba Maalinta ka dambaysa kaddib tan iyo Markii Garoowe ay Noqotay Xarunta Caasimadda Dowladda Puntland.

2005-tii ilaa 2010-kii Tirakood ay Samaysay Hay’adda Qaramada Midoobe u Qaabilsan Dhismooyinka ee UNHABITAT ayaa lagu Sheegay in 140% Dhismayaasha Magaalada ay Bateen “Waxan Dhihi Kara waa Sannadihii Kororka, Wakhtigas waxaa ka dambaysay 2 Sanno oo Keliya waxaana filaya in u Saaidku weli Muuqdo, taso ay Sabab u tahay Amniga , dhexdhexaadka ay kaga Taal Puntland iyo Hawada Macaan” sidaas waxaa Yiri Gudoomiyaha Garoowe Cabdicasiis Nuur Cilmi Koor.

Dhanka Dadka ayaa la sheegaya in 140,000 oo Qof ay ku Noolyihiin Garoowe iyadoo Bilkastana laga dhiso 100 Guri oo u Badan Ganacsi, kuwaso Badankood ay Hirgeliyaan Qurbajoogta inkastoo ay jiran Dadka Gudaha ku dhaqan oo iyagana Dadaal Bilaabay markii ay arkeen in Qurbajoogta ay Maalgelin xoogan ku Samaynayaan Gudaha.

Haddaba Hoos Ka Daawo Filim kooban oo arrimahaas Tilmaamaya waxuuna Qayb ka yahay Filimo iyo Sawiro Taxane noqon Doona oo Raad Raac uu ku eegi Doono dhamaan Gobalada Dalka Soomaliya Gaar ahan Sawiro Cusb oo Markaas laga soo qaado iyadoo la soo raacinayo xoga Rasmi ah oo tilmaamaya waxa laga hadlayo oo dhab ah lana Raad Raacay waa Qayb Kamid ah Hadafka Raad Raac Media loo Hirgeliyay.

Sawirada Qayb waxaa Gacan ka Gaystay Shirkadaha Hirgeliyay Dhismooyinka Qaybna Bahda Raad Raac News, wixii Talo ama Tusaale waxaad Noogu soo diri kartaa raadraacnews@gmail.com

garoowe1

garoowe2

 

Daawo Video Kooban oo ka hadlay dhismaayasha Cusub iyo Wakhtigaan.

 

Raad Raac News Desk Garoowe

|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

— Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com —







Leave A Response »

 

Facebook

Get the Facebook Likebox Slider Pro for WordPress
HTML Snippets Powered By : XYZScripts.com