Garowe oo laga dareemayo diyaargarowga Xuska maalinta War faafinta Soomaaliyeed.

Xiddigga Raad Raac January 14, 2013 0
Garowe oo laga dareemayo diyaargarowga Xuska maalinta War faafinta Soomaaliyeed.


 

Magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa si weyn looga dareemayaa diyaar garow xoogan oo ku aadan xuska maalinta war baahinta Soomaaliyeed eek u began 21ka janaayo sanadkasta.

Maamulka Puntland ayaa gudi u magacaabay qabashada xaflad la doonayo in lagu weyneeyo maalinta war faafinta Soomaaliyeed.

Wasiir ku xigeenka wasaarada   Warfaafinta,Isgaariiinta,hidaha,&dhaqanka Cabdilaahi Maxamed Faarax (Aswad)  oo ka mid ah xubnaha gudigan qabanqaabinaya xuskan gudoomiye u ah ayaa sheegay in xuskan ay leeyihiin bahda warfaafinta Somalidu,wuxuuna sheegay in guddigan uu iskugu jiro wasaarada warfaafinta & xubno ka mid ah wariyeyaasha Puntland ee ka hawl-gala caasimada Garoowe.

Guud ahaan wariyayaasha ka howlgala degaanada Puntland gaar ahaan magaalada Garowe ayaa dhankooda waxay wadaan qaban qaabo xoogan oo ku aadan xuska maalinta qiimaha mudan ee war baahinta Soomaaliyeed, ,waxyana sannad kasta kaga hadlaan arimo ku aadan hawlaha ay bulshada u hayaan,caqabadaha jira & arimaha ay higsanyaan.

Mahan markii ugu horeysay ee sidaan oo kale magaalada Caaasimada Puntland ee Garowe laga dareemo diyaar garowga xoogan ee salka ku haya xuska maalinta war baahinta  Soomaaliyeed.

 

Raadraacnews.

Puntland Somalia.

|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

— Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com —






Leave A Response »