Geedi-socodka Nidaamka Dastuurka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland January 1, 2013 (War-Saxafadeed)

Faarax January 2, 2013 Comments Off
Geedi-socodka Nidaamka Dastuurka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland January 1, 2013 (War-Saxafadeed)


 

Warsaxafadeed ka soo Baxay Dowladda Puntland ayaa lagu soo Bandhigay Geedi socodkii Nidaamkii Dastuurka iyo Dimuqradiyadda iyo sidii ay ku socdeen ilaa dhamaadkii sannadkii tagay.
February 25, 1998 – March 12, 1998
• Shirkii Wadatashiga Garoowe waxaa kasoo qeybgalay wakiilo gobollada Waqooyi Bari ee Soomaaliya,
iyadoo wadatashigu ku salaysnaa sidii dadka deegaanka ay u dhisan lahaayeen maamul ay ku
midaysan yihiin si ay uga badbaadaan amni-darrada iyo jahwareerka siyaasadeed ee Soomaaliya

 

May 15, 1998 – August 1, 1998

 

• Shirweynihii Dastuuriga ee Garoowe oo ay kasoo qeybgaleen Issimada Puntland iyo 480-Ergay oo ka
socda shan Gobol (Bari, Nugaal, Mudug, Sool, iyo Sanaag) iyo hal Degmo (Degmada Buuhoodle)
• Shirweynahaasi waxaa lagu dhisay Dowladda Puntland ee Soomaaliya waxaana Garoowe loo doortay
inay noqoto Caasimadda Dowladda Puntland

 
• Shirweynahaasi waxaa lagu ansixiyay Axdiga KMG ah ee Puntland (August 1998 – June 2001),
waxaana la dhisay Garsoor madaxbanaan iyo Baarlamaan ka kooban 66-xubin oo lagu xulay qaab
qabiil, Baarlamaankuna wuxuu doortay Madaxweyne iyo Madaxweyne-ku-xigeen xilli KMG ah oo dhan
muddo sadex sano ah

 
August 1, 1998 – 30 June 2001

 
• Madaxweynihii hore ee Dowladda Puntland Md. Cabdullahi Yusuf Axmed iyo Madaxweyne-ku-xigeenkii
hore Md. Maxamad Cabdi Xaashi ayaa hogaamiyey Puntland sadexdii sano ee xilligii KMG ahaa

 
July 1, 2001 – May 17, 2003

 
• Puntland waxaa hareereeyey khilaaf siyaasadeed – waxaana jiray isku dhac hubaysan oo ka
dhaxeeyey labo dhinac oo isku maandhaafay siyaasadda Puntland

 
• Labada dhinac waxay Boosaaso ku saxiixeen heshiis nabadeed May 17, 2003

 
May 17, 2003 – January 8, 2005

 
• Md. Cabdullahi Yusuf Axmed ayaa ahaa Madaxweynaha Puntland ilaa October 10, 2004, xilligaas oo
loo doortay Madaxweynihii ugu horeeyey ee Dowladda Federaalka Soomaaliya (TFG)

 
• Madaxweyne-ku-xigeenkii Puntland Md. Maxamad Cabdi Xaashi ayaa la wareegay hogaanka
Dowladda Puntland wuxuuna hayay xilka Madaxweyne ilaa doorashada January 8, 2005

 
January 8, 2005

 
• Md. Maxamud Muuse Xirsi (Cadde Muuse) iyo Md. Xasan Dahir Maxamud (Afqurac) ayaa loo doortay
Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka Dowladda Puntland

 
December 2006

 
• Madaxweynaha Puntland ee xilligaas Md. Cadde Muuse ayaa soo saaray Dikreeto Madaxweyne oo ka
kooban shan qodob kuna saabsanayd:

 

1) dib eegidda qabyo-qoraalka Dastuurka Puntland;

 

2)magacaabida Guddi Doorasho; 3) wacyigelinta bulshada; 4) afti u qaadida Dastuurka; iyo 5) qorshaha
doorashooyinka Puntland

 
February 2007

 
• Madaxweynihii xilligaas Md. Cadde Muuse ayaa magacaabay Guddiga Dib-u-eegida Dastuurka oo ka
kooban 14-xubnood, Guddigaas oo wada-shaqayn iyo xiriir farsamo la lahaa hey’daha PDRC,
Interpeace iyo hey’adaha kale ee taageera arrimaha dimuqraadiyeynta

 
• Guddigaas ayaa dib u eegay qabyo qoraalka dastuurka wuxuuna Guddigu wadatashi la sameeyey
qeybaha kala duwan ee bulshada.

 
June 2, 2008

 
• Guddiga dib-u-eegida Dastuurka ayaa Golaha Wasiirada Puntland ee xilligaasi usoo bandhigay qabyo
qoraalka Dastuurka, iyadoo uu Goluhu ka dooday, ansixiyay una gudbiyay Baarlamaanka Puntland
qabyo qoraalkii Dastuurka Puntland

 
November 2008

 
• Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland ayaa loo magacaabay waafajinta shuruudaha
xubnimada Baarlamaanka cusub ee Dowladda Puntland

 
2 of 2

 
January 8, 2009

 
• Md. Cabdiraxman Maxamad Maxamud (Farole) iyo Md. Cabdisamad Cali Shire ayaa loo doortay
Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka Dowladda Puntland

 
February 2009

 
• Madaxweyne Farole ayaa magacaabay Wasiiru-dowlaha Madaxtooyadda ee Nidaamka
Dimuqraadiyeynta iyo Arrimaha Federaalka

 
• Dowladda Puntland ayaa si sharci ah uga codsatay Baarlamaanka Puntland inuu dib usoo celiyo qabyo
qoraalkii Dastuurka Puntland, si loogu sameeyo dib u eegis iyo wadatashi bulsho loona waafajiyo
Shareecada Islaamka iyo qaanuunka caalamiga ah

 
June 15, 2009

 
• Baarlamaanka Puntland ayaa ansixiyay qabyo qoraalka Dastuurka Puntland, ka dib markii ay ka
doodeen ayna ansixiyeen Golaha Wasiirada Puntland
Geedi-socodka Dimuqraadiyeynta Puntland

 
January 2, 2011

 
• Baarlamaanka Puntland ayaa ansixiyay Xeerka Guddiga Doorashada Puntland

 
July 17, 2011

 
• Guddiga Doorashada Puntland ee KMG ah ayaa la dhisay

 
November 29, 2011

 
• Baarlamaanka Puntland ayaa ansixiyay Xeerka Aftida Dastuurka Puntland

 
April 18, 2012

 
• Shirweynihii Ergada Ansixinta Dastuurka Puntland ee Garowe ayaa si rasmi ah u ansixiyay Dastuurka
Puntland, iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen Issimada, qeybaha bulshada Puntland, Wasiiro ka socda
TFG, wakiilo ka socda Beesha Caalamka iyo Qaramada Midoobay, iyo saxaafadda madaxbanaan

 
• Maxkamada Sare ee Puntland ayaa ansixisay natiijadii codeyntii Dastuurka Puntland oo uu ku
dhawaaqay Gudoomiyaha Guddiga Doorashada Puntland

 
June 2012

 
• Baarlamaanka Puntland ayaa ansixiyay Xeerka Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka

 
September 2, 2012

 
• Baarlamaanka Puntland ayaa ansixiyay Xeerka Ururada Siyaasadda Puntland

 
September 11, 2012

 
• Guddiga Doorashada Puntland ayaa ku dhawaaqay bilowga xilliga furitaanka Ururada Siyaasadeed ee
Puntland

 
November 13, 2012

 
• Iyadoo tixgalinaysa soo jeedin ka timid Guddiga Doorashada Puntland ayaa Baarlamaanka Puntland
waxay wax ka bedeleen Xeerka Ururada Siyaasadda si loo fududeeyo diiwaangelintooda waxaana nus
la dhimay khidmadii diiwaangelinta ururada

 
September 11 – December 31, 2012

 
• Waxaa Puntland looga dhawaaqay sagaal Urur Siyaasadeed

 
December 31, 2012

 
• Iyadoo maalintaasi ay ku ekeyd xilliga diiwaangelinta, ayaa Guddiga Doorashada Puntland waxay ku
dhawaaqeen in lix Urur Siyasadeed si rasmi ah loo diiwaangeliyay ayna buuxiyeen shuruudihii

 
• Ururada Siyaasadda oo buuxiya shuruudihii nidaamka diiwaangelinta oo dhan ayaa ka qeybgali doona
doorashooyinka Golayaasha Deegaanka, oo ku beegan May 2013

 
January 1, 2013 – January 8, 2014 (Qorshaha Mustaqbalka)

 
• Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka waxaa xigi doona:

 
o Ku dhawaaqista Sadexda Xisbi siyaasadeed oo rasmiga ah, si waafaqsan Dastuurka Puntland
o Sadexda xisbi ayaa midkiiba xubno cusub usoo magacaabi doonaa Guddiga Doorashada
Puntland oo rasmiga ah, Guddigaas oo hagi doonaa doorashooyinka Baarlamaanka iyo
Madaxtooyadda Dowladda Puntland
o Doorashada xubnaha Baarlamaanka cusub ee Dowladda Puntland
o Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka Dowladda Puntland
o Nidaamka Geedi-socodka (Roadmap) Dimuqraadiyeynta Puntland waxaa diyaariyey soona
bandhigay Guddiga Doorashada Puntland

|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

-- Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com --

Comments are closed.