Goobo ganacsi oo laga burburiyay degmada Xamarweyne

Faarax January 14, 2013 0
Goobo ganacsi oo laga burburiyay degmada Xamarweyne


Wararka ayaa sheegaya in dhismooyinka ay ahaayeen kuwo dadka si sharci daro ay uga dhisteen hareeraha waddooyinka degmada Xamar weyne ee gobolka Banaadir.

Maamulka degmada ayaa sheegay in ganacsatada waratada ah ay ka dhegeo adeegeen amaro horay usoo baxay oo ahaa inay isaga guuraan goobaha sida sharci darada u dhisteen.

Agagaarka dhismaha saldhiga degmada Xamarweyne iyo kawaanka hilibka ee degmada ayaa la sheegay in laga burburiyay dhismooyin ku yiilay halkaasi oo gaarayay ku dhawaad 40 dhismo.

Maamulka degmada Xamarweyne ayaa dhawaan soo saaray amaro ahaa inaan la dhisan karin hareeraha waddooyinka,waxaana gudoomiyaha degmada oo maanta warbaahinta la hadlay uu sheegay inaan loo dulqadan doonin arimahaasi.

|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News oo ku Darso Face Book si aad u Hesho
Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

— Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com —

Leave A Response »

 

Facebook

Get the Facebook Likebox Slider Pro for WordPress
HTML Snippets Powered By : XYZScripts.com