“Hoteelkayga Dhac ayaa Lagu Haystaa Cidda Deggana Waxan u Sheegaya Waa Xaaran” Mulkiilaha Hoteel Ex-Degel Muqdisho oo u Waramay Warbaahinta Kana Hadlay Xaladda Hotelkiisa (Dhagayso)

Faarax January 3, 2013 Comments Off
“Hoteelkayga Dhac ayaa Lagu Haystaa Cidda Deggana Waxan u Sheegaya Waa Xaaran” Mulkiilaha Hoteel Ex-Degel Muqdisho oo u Waramay Warbaahinta Kana Hadlay Xaladda Hotelkiisa (Dhagayso)


 

Mulkiilihii Hotel Ex Degel No. 4 ee Magaalada Muqdisho Yusuf Jaamac Degel Cambe Cambe ayaa sheegay in Hotelkiisi uu kala Wareegay isla Markana uu Xoog ku Haysto Nin Kira ahaan u Degnaa Hotelka Laga soo Bilaabo Xiligii Maxkamadaha ay ku awood Badnayeen Magaalada Muqdisho Isla Markaana uu Ninkaasi oo Sheeganayay Awoodda Muqdisho uu dhistay Qaybo Badan oo Banaana oo Hoteelka Parking ahaan u ahaa kaaso ka soo Horjeeday Hotel Saxafi ee Magaalada Muqdisho.
Hotelkan ayaa Burburkii Kaddib loo Yaqaanay Kuraasya Cad Balse Horay loo dhihi Jiray Hotel Degel.
Cambe Cambe ayaa Sheegay isagoo ku sugan Garoowe in arrinta Hoteelka ay In Badan galeen Dowladda Federalka Isla Markana aysan Jirin Xal Laga Gaaray “Waxay Dowladda ii Sheegen inay Duminayaan qaybaha Layga Hor Dhistay Iguna soo wareejinayaan Laakin Hadda Waxaan Maqlayaa in uu Qaybo Shub ah oo hor leh uu Ka Hordhisayo, Dadka deggan iyo Dhamaan Umadda Soomaaliyeed waxaan U sheegaya Waa Xaraan layga Dhacay Xoogna Layga Haysto” ayuu Yiri Cambe Cambe.
“Hoteelka Waxaa Iga Haysta Daahir Bakiin Kira Kama qaato waxuuna Ku Haystaa Xaaran Cad” ayuu Hadalkiisa Raaciyay.
Dowladda Federalka Sida Mayarka Muqdisho, Madaxweynaha iyo Raisulwasaraha ayuu ka Codsaday in Arrintiisa ay wax ka qabtan Isla Markana ay ka Hortagaan Boobka Hantidiisa lagu Hayo.
Haddaba Hoos ka Dhagayso Codka Yusuf Jamac Degel Cambe Cambe oo Dhinacyo badan uu kaga Hadlayo.

Xaaji Yusuf Jamac Degal

 

Raad Raac News Desk

|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

— Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com —






Comments are closed.

Facebook

Get the Facebook Likebox Slider Pro for WordPress
HTML Snippets Powered By : XYZScripts.com