In ka badan 1512 qoysas dad barakacayaal oo ku dhaqan dulleedka degmada Burtinle ee gobalka Nugaal oo ka cabanayay dhibaato biyo la’aan

Xiddigga Raad Raac January 2, 2013 Comments Off
In ka badan 1512 qoysas dad barakacayaal oo ku dhaqan dulleedka degmada Burtinle ee gobalka Nugaal oo ka cabanayay dhibaato biyo la’aan


 

Nolosha Aadanaha oo lagama maar maan u ah isticmaalka biyaha oo baahi weyn ay u qabeen tiro dhan  1512qoys dad barakacayaal ah oo ku nool xero ku taala dulleedka dhinaca waqooyi degmada Burtinle ee gobalka Nugaal,waxaana dhawaan la filayaa in ceel biyood ay halkaasi ka hirgeliso shirkada biyaha gobalka Nugaal ee Nuwaaco.

Qarashka mudada loogu talagalay qodista ceel biyoodkan ayaa waxaa bixineysa Hay’ada World Vission oo arimaha gar gaarka ka sheqeysa waxaana madasha dhagax dhiga ceel biyoodkaasi gaaray xubno ka tirsan Hay’ada biyaha Puntland ee  baasaweyn,xubno matalaya shirkadda fulineysa howshan, ergo mataleysa hay;ada ka hortaga musiibooyinka Puntland ee Hadma,saraakil ka socotay Hay;ada World Vession,iyo xubnaha maamulka degmada burtinle ee gobalka Nugaal.

Qaar ka mid ah mas’uuliyiintii ka hadashay goobta dhagax dhiga ceelkaasi ayaa sheegay in wax weyn ay ka tari doonto hadddii ay suura gal noqoto helitaanka biyaha xiligan dadaalka loogu jiro waxna ay ka badali doonto nolosha dadka barakaca ee halkaasi ku dhaqan.

Gudoomiyaha shirkada biyaha Nugaal ee Nuwaco Cabdisamad Islaam Maxamed ayaa sheegay in ay ku guuleysan doonaan sidii ay biyo uga heli lahaanyeen goobta la dhagax dhigay.

Gudoomiyaha degmada Burtinle ee gobalka Nugaal Faarax Maxamuud Jaamac ayaa tvga caalamiga ah ee Universal uga xog waramay  wax ay tari doonto haddii biyo la hello baahidii loo qabay isticmaalka Biyo nadiifa.

Si kastaba ha ahaatee tirada dadka ku dhaqan xeerada ku taala dulleedka dhinaca waqooyi ee degmada Burtinle ayaa waxaa lagu sheegay in ay dhan tahay 1512 qoy kuwaasi oo baahi weyn u qabay in ay biyo hellaan si ay noloshoodu ugu maareeyaan.

Raadraacnews

Garowe Puntland Somalia

 

|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

— Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com —






Comments are closed.