Iska Horimaad Geystay Qasaara isku Jira Dhimasho iyo Dhawac Oo ka Dhacay Deegaano Hoos Yimaada Galinsoor

Xaaji January 13, 2013 0
Iska Horimaad Geystay Qasaara isku Jira Dhimasho iyo Dhawac Oo ka Dhacay Deegaano Hoos Yimaada Galinsoor


 

iska horimaadkaani Oo ahaa mid xooganaa islmarkaana u dhaxeya Beelo wada Daga Gobolada dhaxe ee Dalka soomaliya ayaa Maanta ka dhacay Deegaano hoos yimaada Dagmada Galinsoor ee Gobolka Galgauud

iska horimaadka ayaa la sheegayaa in uu yimid kadib markii mid ka mid ah beelaha Dagaalamay ay Weerar ku qaadeen Dad xoola dhaqata ah oo ku sugnaa deegaano hoos yimaada Dagmada Galinsoor taasi oo sababatay in uu iska horimaadka uu dhaxmaro labada dhinac

Inta la xaqiijiyay 5 ruux ayaa ku geeriyootay halka ay ku dhaawameen tira intaa ka badan kuwaasi oo dhamaantood ahaa dhinacyadii dagaalamay

Masuuliyiinta Maamulada Galmudug iyo Ximan iyo xeeb ayaa la sheegayaa in ay wadaan dadaalo ay ku doonayaan in ay ku dajiyaan xaalada ka jirta halkaasi

Hayeshee Wararkii ugu ugu dambeyay oo halkaasi naga soo gaaraya ayaa sheegay in xaalada ay tahay mid kacsan islmarkaan labada dhinac ay wadaan gurmadyo kala duwan kuwaasi oo ay ku doonayaan in Dagaal uu Mar kale halkaasi ka bilowdo

Mana muuqto dadaalo xogan oo ay wadaan odayaasha dhaqanka oo ay ku doonayaan in ay xaliyaan xiisada ka taagan halkaasi waxaana xilli walba la filayaa in uu dagaal uu dhaxmaro labadaasi dhinac

Raadraacnews———–Gaalkacyo

|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

— Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com —

Leave A Response »