Wasiirka Amniga Puntland oo Ka digay Arrimo Badan Kaddib Kullan Labo Cisho Socday oo Amniga Looga Dooday (Sawiro Iyo Cod)

Bosaso Office January 2, 2013 Comments Off
Wasiirka Amniga Puntland oo Ka digay Arrimo Badan Kaddib Kullan Labo Cisho Socday oo Amniga Looga Dooday (Sawiro Iyo Cod)


 

kulan ay si wadajir usoo wada  qaban qaabiyeen Maamulka Gobolka Bari iyo Hay’ada DRC oo soconeyey muddo laba cisho ah oo ay ka qaybgalayeen Nabadoonada gobolka Bari loogana hadlayey Ammaanka Puntland gaar ahaan kan gobolka Bari ayaa maanta lagu soo gabo gabeeyey Magaalada Boosaaso.

mas’uulyihiintii kasoo qayb gashay xirirtaankii kulankaan waxaa ka mid ahaa wasiirka Amniga Puntland Khaliif Ciise Mudan wasiir kuxigeenka Arimaha Gudaha ahna kusimaha wasiirka Arimaha Gudaha ee Puntland Cali xoosh, Maamulka gobolka Bari iyo kan degmada Boosaaso.

Wasirka Amniga Puntland Khaliif Ciise Mudan oo ka hadley kulankan ayaa ku booriyey shacabka kunool degaanada Puntland in ay kashaqeeyaan Nabad gelyadooda, isagoona intaasi kudaray inay kadowlad ahaan ay soo dhoweynayaan kaalinta nabadoonadu ay kaga jiraan hagida umada reer Puntland.

Wasiirka amniga Puntland ayaa dhinaca kale ugu baaqay siyaasiyiin uu sheegay inay kusuganyihiin Gobalka Kar-Kaar kuwaasi oo uu kutil maamay inay abaabulayaan shirar lagu dhaawacayo hananka dowladnimo ee kajirta Puntland, waxa uu kugoodiyay inay kaqaadi doonan taalo sharciga waafaqsan cidkasta cidkasta oo ku xadgudubta nidaamka Dowladda Puntland.

Dhinaca qaarkamida Nabadoonada  kasoo qayb galay kulankaan ayaa dhinacooda sheegay inay kudadaali donan sidii ay bulshada ugu hagi lahaayeen dariiqa wanaaga waafaqsan maadama ay iyagu yihiin cida keliya ee ay ku ixtiraaman wacyigelintooda.

Kulankani ayaa waxa uu qayb ka ahaa kulamo looga hadlayay dowrka ay waxgaradku kaqadaan karaan dhanka nabadgelyada waxana barnaamijkani hirgelintiisa waday Hay`ada DRC, waxana jirayay baaq noocani oo kale ah oo ay hay`adu kafulisay xaafadaha Magaalada Bosaaso.

Dhagayso Arrimaha uu Wasiirka ka Hadlay

Wasiirka Amniga Puntland Khaliif Ciise Mudan oo kahadley kulan socdey 2,beri oo looga hadlaayey Amaanka oo kusoo gabagaboobey Bosaso 1,2,2013

        Raad Raac news-Bosaso

 

 

 

 

 

 

|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

— Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com —






Comments are closed.

Facebook

Get the Facebook Likebox Slider Pro for WordPress
HTML Snippets Powered By : XYZScripts.com