LA YAAB : Yahuuda oo Caay iyo Cunsurinimo raaxada uga qaaday Ciyaartooy Muslimiin ah oo horyaalka dalkaas ka dheela

Faarax January 31, 2013 0
LA YAAB : Yahuuda oo Caay iyo Cunsurinimo raaxada uga qaaday Ciyaartooy Muslimiin ah oo horyaalka dalkaas ka dheela


Horyaalka dalka Israel waxaa ka dhex oloosan fadeexo aad u daran ka dib markii Cunsurinimo aanan qarsooneeyn loo geeystay ciyaartooy Muslimiin ah oo u dhashay dalka Jeejniya balse ka ciyaara horyaalka dalka Israel ee Israel Football Association oo gudaha dalkaas looga yaqaan (ha’Al ).

Taageerayaasha kooxaha Yahuuda ayaa soo qortay boorar ay ku aflagaadeenayaan Ciyaartooyda Muslimiinta ah ee ka ciyaara horyaalka dalka Israel waxeeyna sidoo kale si aan geed loogu soo gamban u aflagaadeeyaan Laacibiinta Muslimiinta ah ee u safta kooxaha horyaalka Yahuuda.

Ma ahan markii ugu horeeysay oo ay Shacabka Yahuuda aflagaadeeyaan ama ku heesaan in Ciyaartooyda Muslimiinta ah ee horyaalkaas irsiqa u doonatay balse waxaa Fadeexadii ugu darneed dhacday markii ay garoonka iskaga baxeen Laacibiin u dhashay dalka Jeejniya oo lagu aflagaadeeyay Diintooda iyaga oo dalkaas Sport u tagay.

Kiiskaan ayaa gil gilay xiriirka Kubada cagta dalka Israel oo dhoor jeer oo hore shaaciyay in kaliyah dalalka Islaamka ay kala faquuqaan ama Cunsuriyeeyaan Ciyaartooyda Yahuuda ah iyo kuwa Masiixiyiinta ah .

Halkaan ka Daawo Fadeexada Cunsurinimada Yahuuda oo Sportiga dalkaas gil gishay http://www.youtube.com/watch?v=RYLQm9VD1QM

|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

-- Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com --

Leave A Response »