Maamulka Saldhiga magaalada Beledweyne oo ka hadlay dad ku xeran Saldhiga

Faarax January 13, 2013 0
Maamulka Saldhiga magaalada Beledweyne oo ka hadlay dad ku xeran Saldhiga


Taliyaha ciidamada Booliska gobolka Hiiraan Cali Dhuux Mahad Alle   ayaa ka hadlay howlagalo ciidamada dowlada ay ka sameeyeen degmadaasi iyo deegaanada gobolka Hiiraan.

Taliye Cali Dhuux ayaa sheegay in dhalinyaro badan ay ku xeran yihiin saldhiga magaalada Beledweyne,isagoo sheegay in dhamaan dadkaasi lagu helay dambiyada lagu soo eedeeyay.

Cali Dhuux Mahad Alle ayaa sheegay  in ciidamada maamulka gobolka ay sii wadayaan dagaalka ay kula jiraan dadka amni darada ka geysanaya deegaanada gobolka Hiraan.

Dhanka kale wuxuu sheegay in degmada aysan la heyn dhankii garsoorka sida uu sheegay,waxaana uu xusay in taasi ay sababtay in iyaga ay qaadaan dambiga dadka lagu soo oogo maadaama qofka eedeysanaha muddo 48 saac uu xirnaan karo.

Dowlada ayuu ugu baaqay inay geeyaan degmada qeybta garsoor si ay u sahlanaanto qaadista dacwadaha lagu soo oogo dambiilayaasha kala duwan sida uuhadalka u dhigay.

|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

— Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com —


Leave A Response »

 

Facebook

Get the Facebook Likebox Slider Pro for WordPress
HTML Snippets Powered By : XYZScripts.com