Madaxweyne Xassan Sheikh oo ku soo jeeda Mareykanka galinka dambe ee maanta

Xiddigga Raad Raac January 13, 2013 0
Madaxweyne Xassan Sheikh oo ku soo jeeda Mareykanka galinka dambe ee maanta


madaxweyne-xasan

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaalia ayaa waxay sheegayaan in madaxweynaha Soomaalia Xassan Sheikh Maxamuud uu ku sii jeedo dalka Mareykanka.

Warar ku dhow dhow safarka madaxweynaha ayaa waxaa la sheegay in ay ku wehlinayaan  xubno ka tirsan golaha wasiirada dowlada federaalka Soomaalia.

Ujeedka wefdiga uu hogaaminayo madaxweynaha Soomaalia ku gaari doonaan dalka Mareykanka ayaa waxaa la sheegay in ay ka dambeysay ka dib markii uu casuumaad ka hellay xukuumada Washington.

Wefdiga xukuumada Soomaalia ayaa ku hor mari doona magaalada Nayroobo ee dalka Kenya halkaasi oo ay kaga sii gudbi doonaan dalka Mareykanka.

Wararka ayaa waxay intaasi ku darayaan in ilaa iyo xiligan aan la heyn cadeyn dhaba oo muujineysa inta maalmood ee ay qaadan doonto safarka Madaxweynaha Soomaalia uu ku sii joogi doono dalkaasi Mareykanka.

Madaxweynaha ayaa safaro ku tagay dalalka deriska, halkaasoo madaxda dalkaas uu kula soo kulmay, si uu u xoojiyo xiriirka Soomaaliya iyo dowladahaas.

Horaanta bisha May ayuu magaalada London kaga qeyb geli doonaa shir caalami ah oo ay marti gelineyso dowladda Britain, oo dhowaan iclaamisay shir looga hadlayo arrimaha Soomaaliya, kaasoo daba socda shirkii sanadkii hore ka dhacay London.

Raadraacnews.

Puntland Somalia.

|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News oo ku Darso Face Book si aad u Hesho
Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

— Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com —

Leave A Response »

 

Facebook

Get the Facebook Likebox Slider Pro for WordPress
HTML Snippets Powered By : XYZScripts.com