Xarun loogu talagalay Dhalinyarada Isboortiga oo laga Hirgeliyay Magaalada Gaalkacyo taaso ka kooban qaybo badan oo madadalada iyo kor u qadista Xirfadaha isbortiga laguna Magacabo Hoyga Dhalinyarada Isboortiga.
Mashruucan oo ay hirgelisay Xarunta Waxbarashada Nabadda iyo Hormarinta Galkacyo ee GECPD oo kaashanaysa Hay’ado Caalami ah .
Xarunta waa Xarun la isugu keenay Dhamaan Qaybaha isboortiga iyadoo loo Naqshadeeyey Naqshadaha Casriga ee isticmaalan Naadiyada waweyn ee Isbortiga Caalamka ama Xarumaha Isboortiga lagu barto Dalalka Horumaray, taaso dhalinyarada ay uga faidaysan doonan si bilaash ah, ayna wehliso Dhiragelinta Kooxaha iyo Abalmarinada Qaybaha kalimaha kowaad iyo labaad Gala ee Isboortiga.
Waxaa ku Yaala Laberary ay yaalan Bugaag looguna Talagalay Arday sidoo kale Qaybo ay Yaalan Computaro loogu Talagalay Aqoon Kororsiga.
Dhanka Caruurta ayaa iyagana ka heli kara Qaybta Carurta aan weli Iskuulka Gaarin ee Xanaanada ku jira.
Dhanka Madadalada Dadka waweyn iyo Da’yarta ayaa Goobta ka Muuqanaya taaso ay Dhalinyarada aad u Jecladeen Markii la Hirgeliyay, sidoo Kale Qaybtii Cafeteriga ayaa Goobta ka Muuqanaya si marka ay Daalan ugu Nastaan ama Booqadayaasha Goobta ugu Nastaan, Hool Calami ah oo dhalinyarada iyo Ciyaartoyda ku Kulmi Karaan.
Haddaba Maxamed Xaaji Aadan (Uurey) oo ahaa Lacabkii Xulka Qaranka isla markana kamid ah Howlwadeenada Xarunta gaar ahan Qaybta isboortiga ayaa ka waramaya Xaruntaan Cusub oo Dhismaheeda Muddo Socotay…. ee Dhagayso Codka Laacib Uureey
|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News oo ku Darso Face Book si aad u Hesho
Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||
— Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com —




























