Malqabeen Hindi ah oo toshay shaadh dahab ah(cajab).

Faarax January 9, 2013 Comments Off
Malqabeen Hindi ah oo toshay shaadh dahab ah(cajab).


Data Bhuga oo ah maal qabeen u dhashay dalka Hidiya ayaa lacag dhan 23 milyan oo doolarka Marykankaa ku bixiya shaati ka samaysan dahab intiisa badan sida ay soo bandhigay Jornaal dalkaasi ka soo baxa iyadoo la sheegay in shaatigaasi uu culayskiisu dhan yahay 250 garaam marka lagu daro waxaayabaha qurixinta ah ee loogu tala galy in lala xidho.

Malqabeenkan ayaa waxa uu sabab uga dhigay inuu ku kaco arintan in tan iyo yaraantiisiiba uu ku taamayaay in uu maalin maalmaha ka mid ah xidhan doono shaatigan oo kale markaan waynaadayna waxaan ku talabsaday wixii aan doonayay ayuu yidhi Data Bhuga, isaga oo hadalkiisii sii watana waxa uu sheegay in uu san ahay nin leh qurux lala yaabo balse aysan gabadh kaliya ka jeensan Karin wiil dhalinyaro ah oo shaati dahab ka samaysan ku xaragoonaya.

Shaadhkan ayaa samayntiisu waxay qaadatay mudo laba isbuuc iyadoo ay ka qayb qaateen samayntiisa 15 nin oo ugu xariifsan kuwa dharka tola dalka Hindiya  sida uu qiray jornaalkani iyadoo mudo 16 saacadood ahna maalintiiba la toil jiray.

 

saynab cabdi warsame

xidigta6@hotmail.com

|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

— Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com —






Comments are closed.