Manchester City Oo Si Rasmi Ah Racfaan Uga Qaadatay Casaankii Kabtankooda Vincent Kompany.

Faarax January 14, 2013 0
Manchester City Oo Si Rasmi Ah Racfaan Uga Qaadatay Casaankii Kabtankooda Vincent Kompany.


 

Manchester City ayaa xaqiijisay inay racfaan ka qaadan doonto casaankii la siiyay kabtankooda Vincent Kompany kulankii ay 2-0 kaga badiyeen Arsenal shalayto.

Garsoore Mike Dean ayaa casaan toos ah siiyay daafaca ka dib markii uu qalad ku galay ciyaaryahanka khadka dhexe ee Arsenal Jack Wilshere.

Kompany ayaa markii casaanka la siiyay ka mudaharaaday, isagoo sheegtay inuu kubada taabtay oo uusan waxba u geysan Wilshere.

Si kastaba, ciyaarta ka dib ayuu Twitter ku soo qoray fekerkiisa isagoo difaacay garsooraha.

“Wax dhibaato ah uma qabo garsooraha, waa fahmi karaa dhibka ay leedahay shaqada. Hadii kubada 50-50 la isku qabsado in la isku dhaco waa lama huraan.

“Daafac ayaan ahay, racfaan waa uu shaqeyn karaa ama ma shaqeyn karo. Marnaba iskama deyn doono inaan takal sameeyo, laakiin marna dhaawac uma heysan doono ciyaaryahan.”

Kompany ayaa haatan riski gelinaya inuu seego afar kulan hadii lagu guuldareysto racfaanka ay kooxdiisa qaadatay.

 

Laacib.net

|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

— Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com —






Leave A Response »

 

Facebook

Get the Facebook Likebox Slider Pro for WordPress
HTML Snippets Powered By : XYZScripts.com