Ninka ugu da` weyn caalamka imisuu jiraa, Somaliyase ma laga heli karaa nin ka weyn!!!!!!!!!!

Faarax January 6, 2013 Comments Off
Ninka ugu da` weyn caalamka imisuu jiraa, Somaliyase ma laga heli karaa nin ka weyn!!!!!!!!!!


Wakaalada Guinness ee caalmka u qaabilsan iskoorada ugu sareeya ayaa dabayaaqadii sandkii aynu soo dhafnay gaar ahaana sodonkii bishii laba iyo tonaad u aqoonsatay Geruemun Kimura inuu yahay ninka caalmka ugu dada wayn ,Ninkan oo u dhashay dalka Jaban gaar ahaana Magaalada lagu magacaabo Kyotanju 19kii bishii 4raad sanadkii 1897 ayaa dadiisa la sheegay in ay gaadhay 115 sano iyo 253cisho,waana ninkii sadexaad ee dadiisu gaadho 115 inta la ogyahay.
Geruemun Kimura ayaa sadexdii qarni uu noolaa la kulmay isbadalo aad u badan oo caalamka soo mara sida soo saarida gawaadhida, tilifishinada iyo internetka, waxaana dalka ingiriiska isaga danbeeyay 6 boqor, halka dalka jabaana 5 boqor, Maraykankana ay 20 madaxwayne isaga danbeeyeeb sida ay xustsy wakaaladu.

Waxayna dhashiisu gaadhay 14 qof caruurta uu awawga u yahayna 25 halka awaw labaadkana ay gaadheen13 qof, mar wax laga waydiiyay waxa uu ugu sababaynayo inuu da`dan soogaadho ayaa waxa uu ku jawaabay Geruemun Kimura(hadaad donaysid inaad mudo badan nolaatid wax yar cun)
Waxaa xusid mudan in ninkii caalmka ugu da`da waynaa ee soo mara sida ay wakaaladan xusatay uu ahaa Jone Kalmon una dhashay Dalka Faransiiska kuna dhintay sanadkii 1997 da gaadhaysa 122 sanadood iyo 164 maalmood.

|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

— Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com —


Comments are closed.

Facebook

Get the Facebook Likebox Slider Pro for WordPress
HTML Snippets Powered By : XYZScripts.com