Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan Kenya oo ka murugeeysan dib-u-celinta ay xukuumaddu waddo

Faarax January 31, 2013 0
Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan Kenya oo ka murugeeysan dib-u-celinta ay xukuumaddu waddo


 

Cabdiwali Buulle, oo 80-jir ahaa ayaa ka walwalsan in amarkii dhowaan kasoo baxay xukuumadda Kenya ee ahaa in qaxootigu ku laabtaan xeryaha uu burburinayo noloshii uu ka dhisay Nairobi 20-kii sano ee lasoo dhaafay.

Buulle iyo boqolaal kun oo Soomaali ah ayaa waxaa soo barakiciyay dagaalkii sokeeye ee qarxay sannaddii 1991-kii kadib markii ay bur burtay xukuumaddii dhexe ee Soomaaliya. Buulle iyo qoyskiisa oo ka kooban shan qof ayaa u soo cararay Kismaayo kadib markii dagaalka uu soo gaaray Marka, oo ah magaaladiisa. “Sannad kadib, waxan u adkaysan waynay colaadihii ka soo darayay, waxaanan ku khasbanaanay in an mar kale soo qaxno, ugu dambaynna waxaannu soo gaarnay xerada qaxootiga Dhadhaab ee Kenya,” ayuu yiri Buulle.

Kadib markii ay xuuumaddu ay qoyskiisa u aqoonsatay qaxooti, waxa uu xerada kaga soo baxay gaari xoolaha qaada isagoo soo aaday Nairobi si uu u baadi goobo fursado shaqo. “Aniga iyo saaxiibkay ayaa waxaan doorannay in aan ku dagno Eastleigh, intaa wixii ka dambeeyayna waxa ay ii hayd gurigayga,” ayuu yiri.

Durbadiiba waxa uu helay shaqo isaga oo rare ka noqday gaari xamuul ah isaga oo lacagta uu ka shaqeeysto halkaa ku soo gadan jiray cunnooyin, taasoo uu bilaabay in uu ku gado waddooyinka Eastleigh. Ugu dambayn Buulle waxa uu qoyskiisa kasoo raray Dhadhaab waxana uu shaqadii ka gaaray in uu noqdo ganacsade weyn oo cuntada ah, isagoo shaqaalaysiiyay in ka badan 30 qof oo ka kala shaqeeya afar xarumood.

Buulle ayaa sheegay in uu ay ka khasaari doonaan wax walba oo uu dhisay haddii xukuumaddu ay ku khasabto in uu ku laabto Dhadhaab, mar kalena uu ku tiirsanaan doono gargaarka.

Dib-u-celinta qaxootiga oo looga golleeyahay xoojinta ammaanka

Bishii December 18-keedii, Wasaaradda Socdaalka iyo Diiwaan-galinta Shakhsiyaadka ayaa amar ku bixisay in dhammaan qaxootiga jooga magaalooyinka ay ku laabtaan xeryaha loogu talo galay. Qaxootiga Soomaalida ah ayaa laga filayaa inay ku noqdaan xerada qaxootiga Dhadhaab halka kuwa dalalka kale kasoo jeedana laga rabo in ay ku noqdaan xerada qaxootiga Kakuma.

Wasaaradda ayaa durbadiiba joojisay aqbalidda iyo diiwaan-galinta qaxootiga ee magaalooyinka.

“Waxaa go’aankan nagu khasbay weeraro xirir ah oo nagu dhacay,” ayuu yiri sii hayaha Guddoomiyaha Waaxda Arimaha Qaxootiga Sora Badu Katelo. “Marna maahan arrin ku salaysan xumayn ama faquuqid, balse waxaa looga golleeyahay in muwaaddiniinteena iyo dalka looga difaaco khataraha ammaan-darro iyo weerarada ay soo maleegaan al-Shabaab iyo taageerayaashooda, oo kusoo gabanaya qaxootinimo.”

Katelo ayaa Sabahi u sheegay in qaxootiga oo lagu hayo xeryaha ay ciidamada ammaanka u fududaynayso in ay la socdaan dhaq-dhaqaaqa dambiilanimo.

Waxa uu sheegay in qaxootiga aan magaalooyinka uga tagin si iskood ah khasab lagu rari doono, balse waxa uu qiray in xukuumaddu aanay wali la iman qorshe lagula tacaalayo arimaha qaxootiga hantida leh iyo kuwa maalgashiga samaystay.

Xukuumadda ayaa 21-ka January u qabatay maalinta ugu dambaysa ee dadku iskood dib ugu noqanayaan, iyadoo wixii markaa ka dambeeya qaxootiga si xoog ah lagu celin doono. Si walba oo ay ahaataba, todobaadkii hore, ayaa Maxkamadda Sare ee Kenya ay si kumeel gaar ah u hakisay go’aanka qaxootiga lagu celinayo, iyadoo maxkamadda ay dhagaysanayso dacwad kadhan ah tallaabadaas.

‘Waxa kaliya ee aan aqaano oo aan gurigayga ugu yeero waa Eastleigh’

Xasan Abshir, oo dharka dibadda laga keeno iyo roogagga ku iibiya suuq maxali ah, ayaa sheegaya in uu Dhadhaab yimid 1991-kii markaa oo uu ahaa 16-jir.

“Waxaan kamid eheeyn qaxootigii ugu horeeyay ee laga diiwaan-galiyay xerada, balse hooyadey ayaa maalin maalmaha ka mida xanuunsatay. Tani waxa ay nagu khasabtay in aan Nairobi imaano si loogu daaweeyo Isbitaalka Kenyatta,” ayuu u sheegay Sabahi.

Markii ay soo gaareen, qoysku waxa uu dagay Eastleigh la dagay qof ay saaxiibo yihiin Abshir hooyadii, oo markii dambe siisay ra’usul maal ay ku bilaabaan ganacsi.

“Waxa kaliya ee aan aqaano ee aan gurigayga ugu yeero waa Eastleigh, mana aqballi doonno in nalagu celiyo Dhadhaab ama Soomaaliya,” ayuu yiri.

Dib-u-celinta Khasabka ah waxa ay ku xad-gudbaysaa xuquuqda qaxootiga

Rufus Karanja, oo ah madaxa barnaamijyada ee Dalladda Qaxootiga Kenya, oo oo caawimaad dhinaca sharciga ah siisa dadka doonaya magan-galyada siyaasadeed iyo qaxootiga, ayaa sheegay in go’aanka xukuumadda uu ku xad-gudbayo xuquuqda qaxootiga uuna kahor imanayo mas’uuliyaadka caalamiga ah ee saaran Kenya.

“Marar badan ayaannu xukuumadda arrintan kala hadalnay, mas’uuliyiintuna waa ay ku guul-darreysteen in ay noo caddeeyaan sida qaxootiga jooga magaalooyinka ay khatar ugu yihiin ammaanka qaranka iyo sharciyadda ay u haystaan go’aankooda ay qaxootiga ugu celinayaan xeryaha,” ayuu Karanja u sheegay Sabahi.

Waxa uu sheegay in, sida ku cad Sharcigii Qaxootiga ee 2006-dii in qaxootigu ay xaq u leeyihiin in dagaan meel walba oo kamid ah dalka mar haddii ay haystaan dokumenti caddeeynaya xaalkooda.

Waxa uu sheegay in inta badan qaxiootiga ay ku khasabtay in ay xeryaha kasoo tagaan sababao la xiriira xaalado nololeed oo aad u xun, ciriiri, iyo adeeg la’aan la xiriirta baahiyaha asaasiga ah sida isbitaalo iyo dugsiyo. Markii ay magaalooyinka yimaadeen, qaxootiyada waxa ay awood u yeesheen in ay ka madax-banaanaadaan gargaarka, iyagoo ku milmay nolosha dhaqan-dhaqaale ee magaalada kadib markii ay bilaabeen ganacsi ama ay ku shaqeeystaan xamaalato ahaan, ayuu yiri.

“Ku khasbiddooda in ay ku laabtaan xeryaha waxa ay ka dhigantahay quursiga adkaysigii ay muujiyeen iyo niyaddoodii ay ku waajeheen duruuraha adag,” ayuu yiri. “Arrintaasi waa ay faquuqi doontaa annaguna waxaan go’aanka xukuumadda kaga hortagi doonnaa maxkamadda si an u difaacno xuquuqda qaxoitiga.”

Sida laga soo xigtay Hay’adda Qaramada Midoobay u Qaabilsan Qaxootiga, oo iyadu cambaaraysay go’aanka Kenya ay ku joojinayso in qaxootiyada ay ugu shaqayso magaalooyinka, in kabadan 54,000 oo qaxooti ah ayaa ku nool Nairobi.

Ku laabashada qaxooti intaa le’eg lagu celiyo Dhadhaab waxa ay cadaadiska ku kordhinaysaa xeryaha, oo iyago goor horeba buux dhaafay, ayuu yiri Karanja, isagoo intaa ku daray in tani ay horseedi karto colaad iyo daganaasho la’aan dheeraad ah.

Waxaa qoray Ramah Rajab oo Nairobi jooga

Xigasho: Sabahionline






|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

-- Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com --

Leave A Response »