Ra’iisul wasaarihii Hore ee Taliyaaniga oo si La Yaableh uga hadlay Arrimaha Baloteeli

Faarax January 5, 2013 Comments Off
Ra’iisul wasaarihii Hore ee Taliyaaniga oo si La Yaableh uga hadlay Arrimaha Baloteeli

Mulkiilaha kooxda ka dhisan waddanka Talyaaniga ee ACMilan Silvio Berlusconi ineysaan qorshaa ugu jirin in kooxdiisu ay lasoo wareegto xiddiga afka hore uga ciyaara kooxda Man city iyo qaranka Talyaaniga Marrio Balotelli xillliga kala iibsiga ciyaartowda ee bishaan January.




Berlusconi ayaa intaas ku daray inuu Baloteelli uu yahay sida caruurta aysanna doonayn qof sida caruurta u dhaqma iney kusoo biiriyaan kooxdooda maadaama ay taasi sharafta iyo sumacadda kooxda ay wax u dhimayso.
Isagooo hadalkiisa sii wata ayuu ka hadlay arrintii dhexmartay Balotelli iyo Macalinkiisa Roberto Mancini oo ay isku fara saareen xili ay kooxdu samaynaysey tababar asagoo arrintaas ka hadlayana wuxuu yiri: Mario Balotelli waa sida ilma caruur ah, imana cajabin run ahaantii, aad ayaana uga xumaadaa markaan arko falalka uu ku koco sida tii uu kula kacay macalinkiis”.
Balotelli ayaa ah ciyaartoy ay ficilada uu sameeyo ay soo jeedatay saxaafadda adduunka asagoo mararka qaar ku kaca falal ka dhan ah anshaxa ciyaaraha sida asagoo gacan u qaada asxbtiisa iyo xitaa macalinkiisa taasoo marar badan uu ku mutaystay ganaax adag oo kooxdiisu dul dhigtay balse wuxuu u muuqdaa midaan ka waantoobayn falalkaas aadka loola yaabay.
Xigasho :  www.ciyaaro.net

|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News oo ku Darso Face Book si aad u Hesho
Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

— Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com —

Comments are closed.

Facebook

Get the Facebook Likebox Slider Pro for WordPress
HTML Snippets Powered By : XYZScripts.com