Shacab weynaha ku nool caasimada dalka Soomaaliya ee Muqdisho iyo kuwa kale oo iyaga ku nool qaar kamid ah gobolada dalka Soomaaliya ayaa ku dhow in ay lacag ku washaan kadib markii hal meel laga wada tusay lacag ay ku taajiri karaan hadii ay keenaan dalab xoogan oo loo wada dirsaday.
Hey?ad ka socota dalka iran oo Muqdisho ku sugan ayaa shaacisay in ay dooneyso ukumaha Guumeyska kaasi oo halkii xabo lacagtiisa lagu sheegay 4 kun ilaa iyo 5 kun oo doolarka Maraykanka waxaana dadkii kuwada dhacay anfariir lacageed.
Ukuntaan Guumeyska ayaa la sheegay in ay dooneyso dowlada iran isla markaana ay wax weyn ka tareyso sameynta Nukliyeerka waxaana baaritaan la sameeyay lagu ogaaday in ukunta Guumeyska uu yahay kan ugu muhiimsan ee Nukliyeerka lagu sameyn kara.
Dadka reer Muqdisho ayaa loo sheegay sida ay ku ogaan karaan ukunta Guumeyska maadaama xayawaanada midkasta uu dhalo ukun, waxaa lagu ogaadaa hadii ukunta Guumeyska aad dul saarto sakiinta garka iyo madaxa lagu xiirto waa ay ku dhageysaa sida Birqabatad oo kale.
Shacabka ku nool gudaha Muqdisho ayaa midlkasta si gooni ah kuu weydiinaya in aad meel ku ogtahay ama ku aragta ukunta Guumeyska waxaana dadkii la wada ogaaday in ay ku waasheen raadinta ukunta Guumeyska iyo helida lacag ay ku taajiri karaan.
Haye shee ma jirto ilaa iyo hada cid keentay hal xabo oo kamid ah ukumaha Guumeyska maadaama xayawaankaan uu sanadkii mar dhalo isla markaan ku dhalo meel aysan dadka ogaan karina.
Xasan Kuuriya
xasankuuriya@yahoo.com
|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News oo ku Darso Face Book si aad u Hesho
Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||
— Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com —












fadlan xagee laga xariri ka raa qofkii hela ukuntaas
dadka raba
Hadii aan anigu helo anoo jooga Garowe sidee ula xiriiri karaa fadlan ii sheega waa jaanis no beel daro…