Shakhtar Donestk Oo Si Rasmi Ah Uga Dulqaaday Chelsea Saxiixa Xiddiga Reer Brazil Taison.

Faarax January 11, 2013 0
Shakhtar Donestk Oo Si Rasmi Ah Uga Dulqaaday Chelsea Saxiixa Xiddiga Reer Brazil Taison.


 

Kooxda Shakhtar Donestk ayaa xaqiijisay inay kooxda Metalist Khavkiv si rasmi ah kala soo wareegtay ciyaaryahanka reer Brazil Taison, iyagoo ku soo iibsaday 15 milyan euro islamarkaana ciyaaryahanka ka saxiixay shan sanno.

Kubadsameeyaha reer Brazil ayaa qaab ciyaareedkiisa waxa ay soo jiidatay kooxo badan oo Europe ka dhisan, oo ay ku jirto kooxda heysata Champions League ee Chelsea.

Si kastaba, Donbass Arena kooxda ka dhisan ayaa haatan ku guuleysatay saxiixa 24 jirka, ka dib markii ay bixiyeen lacagta lagu burburin karay qandaraaskiisa.

“10kii Janaayo madaxweynaha kooxda Shakhtar iyo dhigiisa Metalist ayaa ka wada xaajooday saxiixa Taison” ayaa lagu yiri warbixin la soo dhigay website-ka Shakhtar.

“Shakhtar ayaa bixisay 15 milyan euro, waxaana helnay ciyaaryahan doonayay inuu nagu soo biiro. Ciyaaryahanka reer Brazil waxa uu saxiixay heshiis shan sanno ah oo ka bilaabanaya 11ka Janaayo.”

Chelsea ayaa qarka u saarneyd saxiixa ciyaaryahankaan laakiin haatan Shakhtar ayaa ku guuleysatay saxiixiisa, waxaana kooxda Shakhtar Donestk ay wareega 16ka Champions League la ciyaari doontaa Borussia Dortmund.

 

Source: Laacib

|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

— Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com —






Leave A Response »

 

Facebook

Get the Facebook Likebox Slider Pro for WordPress
HTML Snippets Powered By : XYZScripts.com