Ururka Midnimo oo Xafiis uu ka Furan laha Gaalkacyo laga Hor Istaagay (Dhagayso)

Faarax January 27, 2013 1
Ururka Midnimo oo Xafiis uu ka Furan laha Gaalkacyo laga Hor Istaagay (Dhagayso)


 

Waxa Baaqatay Munasabad lagu damacsanaa in Galkayo looga furo Xarun uu leeyahay Xisbiga Midnimo oo ka mida Ururrada ka jira Deeganada Puntland ee Buuxiyay Sharuudihii Guddiga Doorashooyinka Pl kaddib markii ay ka hortageen Dad diidana.

Odayaal iyo siyaasiyiin deegaanka Gaalkacyo iyo qaar ka mida dhalinyarada xaafadaha oo isa soo abaabulay ayaa ka hor tagay in xisbigaasi lagu furo xafiiskiisa magaalada gaalkacyo.

Waxaa dhulka la dhigay Boorkii ururka lana burburiyay,  waxaa magaalada ka socda kulamo gooni gooniya oo ay leeyihiin xubnihii doonayay inay xafiiska ururka midnimo ka furaan Gaalkacyo iyo dhanka kale dadka deegaanka intooda ka soo horjeeda.

Ganacsade Siciid Cabdi Firin oo ka mida dadka deegaanka saakana diiday in xafiiska ururka midnimo iyo guud ahaanba ururada siyaasadeed ee pL laga hir galiyo gobolka ayaa sheegay inaysan haba yaraatee aqbali doonin xafiis urur siyaasadeed oo qayb ka ah Nidaamka hadda socda ee Puntland in laga furo gobolka Mudug ayna ula muuqato, dawlad aan sharci ahayn Dowladdda Puntland waa sida uu hadalka u dhigaye.

Dhinaca Kale Ilo ku dhow dhow Dhanka Midnimo ayaa inoo Xaqiijiyay Jiritaanka Dhacdadan Cusub ee Gaalkacyo looga Hortagay in ay Xafiis ka Furtan Ururka Midnimo oo Maalmahan u Muuqanayay Mid Carcar la soo Baxaya inkastoo haddana ay Sheegeen in ay socdaan Wadahadalo ay Gaalkacyo ku leeyihiin Tageerayaashooda iyo Dadka is Hortaagay.

Sacdiid Cabdi Farin ayaa Waraysi uu Siiyay Idaacadda Daljir waxaa uu ku sheegay in aysan shaqsi didanayn Balse ay ka soo Horjeedan Nidaamka Xisbiyada Puntland.

Waraysigii Daljir ay la yeelatay Saciid Cabdi Firin Hoos ka Dhagayso

Siciid Cabdi Firin

 

Wixii ka soo Kordha kala soco Raad Raac News


|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News oo ku Darso Face Book si aad u Hesho
Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

— Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com —

One Comment »

  1. jibriil qoobey January 27, 2013 at 5:01 pm - Reply

    waa khalad aad u weyn oo foolxun nimnak buuqa iyo rabshad ku furay xisbiga haday run sheegayan may aadaan xarumaha dawlada oo ku mudahardaan inta ay xafisi urur dad shacba leeyihiin weerarayan awoodoodii iyo waxay la qaylinayeen mawaxy ku ururtay in ay xsibi laga furayo galakcyo buuq ku furaan

Leave A Response »

Facebook

Get the Facebook Likebox Slider Pro for WordPress