C/xariin Xaaji Maxamuud Fiqi Wasiirka Gaashaandhiga xukuumadda Soomaaliya,ayaa Amaan balaaran u jeediyey shacabka magaalada Beydhabo oo uu ku amaanay sida ay ugu heelan yihiin dowladnimada iyada sida ay ugu hamuun qabaa in magaalada baydhabo ay ku so dhaweeyaan madaxda ka socota Dowladda.
Wasiirka Gashaandhiga Fiqi ayaa sheegay in si heer sare ah loogu soo dhaweeyey magaalada Beydhabo , waxa uuna u mahad celiyay Shacabka iyo Mamulka Magaalada , isagoo xusay in Beydhabo xilligan ay tahay mid nabad ah .
“ Baydhabo waa Meel nabad ah waxa aanu kulamo la qaadaney Maamulka Magaalada , waxaan ku soo wareegney guud ahaan magaala baydhabo waliba si nabad ah ” sidaasi waxaa yiri Wasiirka gaashan dhigga Dowladda Soomaaliya C/xakiin Xaaji Fiqi.
Dhanka Cabdi Xakiin Xaaji Fiqi ayaa sidoo kale mahad balaaran u jeediyey ciidamadii Ethopia ee ka caawiyay ciidama dowladda Saamaaliya sidii gacanta loogu dhigi lahaa magaalada Beydhabo.
Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya ayaa shalay uun gaarey magaalada Beydhabo ee xarunta gobolka Baay, iyadoona ay noqoneyso markii ugu horeesey ee uu gaaro Beydhabo tan iyo markii loo magacaabay xilkan..
|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News oo ku Darso Face Book si aad u Hesho
Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||
— Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com —












Comments are closed.