Xildhibaan Aadan Barre Ducaale oo Hordhigay Barlamaanka Kenya Dil iyo Kufsi Mombasa loogu Gaystay Gabar Soomaali 4 Jir ah (Dhagayso)

Faarax January 3, 2013 Comments Off
Xildhibaan Aadan Barre Ducaale oo Hordhigay Barlamaanka Kenya Dil iyo Kufsi Mombasa loogu Gaystay Gabar Soomaali 4 Jir ah (Dhagayso)


 

3-Janaay 2013 Nairobi: Xildhibaan Aadan Barre Ducaale oo kamid ah Xildhibaanda Soomaalida ah ee Dowladda kenya ayaa Maantay Hordhigay Barlamaanka Dalkaas Dhacdo ka Dhacday Maalada Mombaasa ee Dalka Kenya kuna saabnsan gabar 4 sano jir ahayd oo inta la kufsaday kaddibna lagu dilay Magalada Mombasa Dhowaan Gabadhaas oo ahayd Soomaali.

 
Xildhibaanka ayaa sheegay in arrintan ay Noqotay Mid Fool xun oo Barlamankana ay Jawaab ka sugayaan Sarakiisha arrintaan ay Khusayso in Jawaab ay ka Bixiyaan Halka Xaal Marayo.

 
Gabadhaan ayaa Dhowaan waxaa Falkaas kula Kacay 2 Nin oo Kenyaati Madow ah kuwaaso Mid Kamid ah Ciidaa amniga ay Gacanta ku Hayaan Kan kalana la Baadigoobayay Balse la gartay.

 
Arrintan Markii ay soo Baxday waxay Cabsi gelisay Somali Badan oo Ganacsi iyo deeganba ku Leh Magaalada Mombaasa waxana ay ku tilmaameen Fal aan loo dulqaadan Karin.

 
Xildhibaan Ducaale ayaa Sheegay in Gabadha iyo Ehelkeeda ay ka Soo jeedan Deeganka laga soo doortay sida awadeedna ay xogga saarayaan sidii ay wax uga qaban lahayeen Dhacdadan Foosha Xun.

 
Nasra Bishaar Cabdi oo 4 Jir ahayd ayaa Falkas loo Gaystay 30-kii Bishii Dcember 2012.

 

 

Haddaba Hoos Ka Dhagayso Xildhibaanka oo ka Hadlaya Arrinta ay Maanta Barlamanka Horgeeyeen.

Xildhibaan Ducaale

 

Raad Raac News Desk Nairobi

|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

-- Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com --

Comments are closed.