Xubna ka Socda Xukuumada Puntland Oo Galabta Soo Gaaray Gaalkacyo

Xaaji January 11, 2013 1
Xubna ka Socda Xukuumada Puntland Oo Galabta Soo Gaaray Gaalkacyo


Waxaa Maanta Oo jimca ah Magalada Gaalkacyo soo Gaaray qaar kamid ah Wasiirada Puntland iyo Wasiir ku xigeenada puntland kuwaasi oo saaki ka qeyb galay Caleemasarkii Fiqi Bashiir cusmaan Cabdulle Oo saaaki lagu qabtay Duleedka Dagmada Bacadweyne Ee Waqooyiga Gobolka Mudug

Xubnahaasi ayaa kala ahaa, Wasiirada caafimaadka Cali C/laahi Warsame, Sportska C/wali Xirsi (Indha guran), deegaanka C/qani maxamed, haweenka Xaliimo Xasan Cismaan,maamul wanaaga Faarax Ciise (Gaashaan) iyo ku xigeenada gudaha Cali Yuusuf (Xoosh),maaliyadda C/raxmaan Maxamuud Xaaji Xasan,duulista hawada C/qani Geele Maxame iyo Bashiir Maxamuud, deegaanka Burhaan Cilmi Xirsi.

Wafdigaani ka socda Xukuumada Puntlnd aya la filaya in Maalinta Barito ah ay kulmo kala duwan ay la qaatan qeybaha bulshada Gobolka Mudug kuwasi Oo ay kala hadli doonana Amaanka Gobolka iyo sidii shacabka ay u taageerri lahayeen xukuumada Puntland

Raadraacnews———-Gaalkacyo


|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News oo ku Darso Face Book si aad u Hesho
Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

— Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com —

One Comment »

  1. runsheeg January 11, 2013 at 10:59 pm - Reply

    waxaan waa iska riwaayad fashilan reer faroole waxey gaalkacyo iyo guud ahaan gobalka Mudug soo xasuustaan markay dani ka qabato oo ay u baqaan in laga qash qashaado musuqmaasuqa ay iska dhuuqayaan.

Leave A Response »

Facebook

Get the Facebook Likebox Slider Pro for WordPress