Xulashada Todobadka: Nin Isku Dayay inuu Biskooladda Gaaska ku Toogto Siyaasi Bulgaria ah oo Toos ugu Qudbeynayay Taagerayaashiis oo Fashilmay (Daawo Vidoe Cajiib ah)

Faarax January 23, 2013 0
Xulashada Todobadka: Nin Isku Dayay inuu Biskooladda Gaaska ku Toogto Siyaasi Bulgaria ah oo Toos ugu Qudbeynayay Taagerayaashiis oo Fashilmay (Daawo Vidoe Cajiib ah)


 

Axmed Dogan oo ah Hoggamiyaha u Dhaqdhaqaaqaha Xuquuqda iyo Xoriyadd ee MRF Dalka Bulgaria ayaa isagoo ka Qudbeenaya Hool ku Yala Caasimadda Sofa ee Dalka Bulgaria si toos ahna Talefishino badan oo Caalamka laga Dawanayay waxaa Bikoolad la soo aaday Nin Dheer oo uu arkay isagoo mar qura Biskoolad la dul taagan Todobadkaan taaso noqotay hadalhaynta Caalamka.

Ilaalada Mas’uulka ayaa durbaba Carary laakin haddi ay Rasaas ku jiri Lahayd kuma aysan Gaaren inay Difacaan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Bulgaria Tsvetan Tsvetanov ayaa yiri in Ninka uu isku dayay in uu labo jeer ku rido Biskoolada gaaska balse aysan shaqayn taaso haddi ay shaqayn lahayd dhibatayn kartay Caafimadkiisa Indhaha ama jirkiisa.

“Waxaan Cadeynayna inaysan ahayn Bistola Xabad Balse ay ahayd Mid Gaas oo Badana loo Isticmaalo Isdifaacid laakin haddi qofka ay ku dhowdahay ay dhibaato Gaysan Karto kamana dhacdo Xabad Nool Nool” ayuu yiri Tsvetan Tsvetanov.

Dowladda ayaa sheegtay in Ninka Iskudayga dilka sameyey uu horay u galay dembiyo ka Ganaci Drugs iyo Boob Hanti, waxaana ay Booliiska Xiren Ninkii oo Da’diisa lagu Sheegay 25 Jir sidoo kalana watay 2 Mindi.

Xisbiga MRF ee uu Hoggamiyo Dogon ayaa Matala Dhaqanka turks iyo Islaamka oo ah tira ahaan 12% marka loo ego Dadka waddankaas oo ah 7 Million.

Mr Dogon oo ah 58 Jir ayaa Saacado kaddib dib ugu soo laabtay hoolka isla markaana sii watay shirkiisii.

Madaxweynaha Bulgaria Rosen Plevneliev ayaa ku yiri Qoraal uu soo saaray Dadka Bulgaria Dhaqan ahaan waxaa lagu yaqaanay Dulqaad waxyabo qaar oo aysan aqbalin iyo Xushmad dhanka Kooxaha Diimaha ah tanina waa Mid aan la aqbali karin oo dhawacaysa Dimuqradiyadda Bulgaria.

Weerarada Siyaasiinta iyi Shirqoolada ayaa Caadi ka ah Dalkaas iyadoo 1996-dii raisul wasaarihii hore ee Dalkaas Andrei Lukano meydkiisa oo la togtay laga helay Gurigiisa agtiisa.

Haddaba Daawo Filimka

 

Waxaa Isku soo Dubay Tarjumayna Bahda Raad Raac News

|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

— Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com —






Leave A Response »