15 sanadood nin uu hoy u ahaa qabri .

Faarax February 27, 2013 0
15 sanadood nin uu hoy u ahaa qabri .


363334-202wBratislav Stojanovic oo ah nin u dhashay dalka Serbia jirana 43 sanadood ayaa mudo 15 sano ku nool xabaalo ku yaala dalkaasi , iyadoo la sheegay inay ku duuganyihiin xabaashan qos 100 sano ka hor lagu aasay.


“Kama cabsado dadka dhintay aan la noolahay sida aan uga cabsado gaajada iyo dhaxanta” sidaasi waxaa yidhi Bratislav Stojanovic mar wax laga waydiiyay sababta ku kaliftay inuu ku noolaado mudadan xabaalaha , isagoo xusay inuu ku waayaay aqalkiisii daymo badan oo loo qabsaday .
Tuugsadahan ayaa waxa uu sheegay in ay dhibaato ka qabsato maraarka qaar inuu soo helo xabad shamac ah uu ku ifsado hoygiisa gaar ahaana habeenada uu qobaw darani jiro , isagoo xusay ninkan inuu quud maalmeedkiisa ka helo qashinka ay dadku iska soo fogeeyaan .
Maaha ninkan qofkii ugu horeeyay ee taariikhida soo mara ee ku noolaada xabaalaha meelaha loogu tala galay iyadoo aynu xusi karao haweenay aqal ka dhigaty qabrigii ninkeeda kadib markay ugu balan qaaday in aysan maraba ka dheeraan doonin maydba ha ahaadee qisadan oo ka dhacday dalka Argentin , hase ahaatee Bratislav Stojanovic ayaa waxaa lagu tilmaamayaa ninkii mudadii ugu badnayd ku noolaada xabaalaha .
Seynab C Warsame
xidigta6@hotmail.com

|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

— Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com —

Leave A Response »

 

Facebook

Get the Facebook Likebox Slider Pro for WordPress
HTML Snippets Powered By : XYZScripts.com