65 Jir Qafashay Wiil Yar si Warbaahinta Caalamka looga Siidaayo oo la Toogtay.

Faarax February 7, 2013 1
65 Jir Qafashay Wiil Yar si Warbaahinta Caalamka looga Siidaayo oo la Toogtay.


 

 

Nin lagu magacaabo Jimmy Lee Dykes oo 65 sano jir ah ayaa waxa uu weeraray Bas siday Ciyaal iskuuleey ah kaas oo goobtii ku toogtay Darawalkii Baska waday oo lagu magacaabi jiray Charles Roland da´diisuna eheed 66 jir .

Ninkaan Waayeelka ah ayaa markii uu Baska afduubayay waxa uu horay u sii kaxeeystay Wiil yar oo 5 sano jir ah kaas oo isna magaciisa lagu sheegay Ethan.

Dhibaatadaan oo ka dhacday magaalada Midland City ee gobolka Alabama ee dalka Mareeykanka ayaa waxa ay iminka noqotay midii ugu hadal heeyta badneed gudaha dalka Mareeykanka maadaama mudo 7 maalmood ah laguna sheegay 144 saacadood ka dib la toogtay Waayeelkii wax afduubay oo markii hore agtiisa la tagi waayay maadaama uu watay hub qatar ah .

Ciidamada FBI-da dalka Mareeykanka oo dilka ninkaan dhib weeyn u maray waxaa la sheegay in ay ka faaideeysteen Ninkaan oo mucaarad ku ahaa Dawlada Mareeykanka oo dabadeed dalbaday Talefishinada kala ah NBC, CBS iyo ABC si ay u wareeystaan balse odaygaan oo la toogtay waxaa Nasiib wanaag laga soo fakiyay Wiilkii yaraa ee uu Afduubtay kaas oo doonayay in uu caan ku noqdo ama la sheeg sheego.

Haddaba Warbaahinta sidee uga Hadleen Arrintaas Filimkan Hoose Daawo.

 

Hadaad Faahfain Dheerad ah ka rabto sheekada Linkiga Hoose ku dhufo

 

http://abcnews.go.com/US/alabama-hostage-taker-jimmy-lee-dykes-exchanged-gunfire/story?id=18416387

|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

— Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com —

One Comment »

  1. ip cam May 18, 2014 at 8:39 pm - Reply

    Tremendous things here. I am very glad to lok your article.
    Thank you so much annd I am having a look forward to touch you.
    Will you kindly drop me a mail?

Leave A Response »

 

Facebook

Get the Facebook Likebox Slider Pro for WordPress
HTML Snippets Powered By : XYZScripts.com