Al-shabaab oo Sheegtay in ay Jab Xoog leh Gaarsiiyeen Ciidamada AMISOM ee Dhawaan La Wareegey Janaale

Faarax February 21, 2013 0
Al-shabaab oo Sheegtay in ay Jab Xoog leh Gaarsiiyeen Ciidamada AMISOM ee Dhawaan La Wareegey Janaale


Ururka Al-shabaab ee ka dagaalo Dalka Soomaaliya isla Markaana Dagaal Ba’an ku jiro Dowlada Soomaaliya iyo Ciidamada AMISOM si Banaan ugu Biiray Urur Weynaha Al-Qaacid ayaa sheegey in ay jab Xoog leh Gaarsiiyeen Ciidamada AMISOM ee la wareegey Janaale ee gobolka Shabeelaha hoose.

Afhayeenka hawlgalada Al-shabaab C/casiis Abu Muscab ayaa sheegay in dagaal Rgaal celis ah ay ku Qaadeen Ciidamada la Wareegey Deegaanka Janaale kuwaas oo gudaha u galay sida uu sheegay fariisin ay deegaanka Jannaale ku lahaayeen ciidamada AMISOM ay halkaas ku gaarsiiyeen Jab xooggan wuuxuuna tilmaamay iney u gesyeen dhibaato baaxad leh sida  uu sheegay.

Abu Muscab ayaa sheegay in cutubyo ka tirsan dagaalyahanada alshabaab ay gudaha u galeen saldhig milateri oo ay lahaayeen ciidamada Amisom kaasoo ku yaala duleedka deegaanka Janaale ay ku dileen 25 askari oo uu sheegay iney ka tirsan yihiin ciidamada Amisom,wuxuuna intaa ku daray in markii ciidanka alshabaab uu gudaha u galay xaruntaas ay ciidamada Amisom kala garan waayeen shabaab iyo ciidankooda isla markaane ay madaafiic isku garaaceen dhexdooda sida uu hadalka u yiri.

Afhayeenka hawlgalada alshabaab sheegay in ujeedka Ciidamada Amisom iyo kuwa dowlada ee weerarka ku qabsaday deegaanadaas uu ahaa sidii ay si nabad galyo ah iskugu gudbi lahaayeen wadada isku xirta degmooyinka Afgooye iyo Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose wuxuuna tibaaxay in fikirkaas ay ku hungoobeen kadib markii uu sheegay in ciidamadoodu ay weeraro qasaaro ba’an gaarsiiyey ku qaadeen Ciidamada Amisom iyo kuwa dowlada.

Abu Muscab ayaa tilmaamay iney ku qasbeen masuuliyiinta dowlada iyo Amisom iney diyaarado u kala raacaan degmooyinka gobolka shabeelaha hoose,wuxuuna wacad ku maray in alshabaab ay sii laba jibaari doonaan dagaaalada ay kula jiraan ciidamada isgarabsaya ee dowlada Soomaaliya iyo kuwa nabad ilaalinta Amisom ilaa ay ka saarayaan guud ahaan dalka Soomaaliya.






|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

-- Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com --

Leave A Response »