AMISOM oo ka Hadashay Howlgalada Gobolada Dalka ay ka Sameysay

Faarax February 22, 2013 0
AMISOM oo ka Hadashay Howlgalada Gobolada Dalka ay ka Sameysay


Afhayeenka ciidamada midowga Afriga ee Amison kuna sugan soomaaliya Cornel Cali Aadan xumad oo maanta saaxafada la hadlay ayaa waxaa uu ka hadlay arimo badan oo quseeya ciidamada Amison sida howlgaladii ugu dambeeyay ay ka sameeyeen qaar ka mid ah gobolada dalka .

Ugu horeyn Cali Aadan xumad waxaa uu ka hadlay qaraxyada soomaaliya gaar ahaan kii ugu dambeeyay ee ka dhacay baar u dhow xeebta liido waxaana uu sheegay in Amison ay cambaareenayso qaraxaasi .

Waxuu sheegay in Amison iyo ciidamada dowlada aysan waxba u dhimeyn qaraxyada ay geystaan ururka Al- shabaab balse ay shacabka ku dhibaateynayaan.

Sidoo kale Afhayeenka waxaa uu ka hadlay ciidamo ka tirsan Amison inay joogaan magaalada baydhabo isagoona sheegay in ciidamaas ay dhaq dhaqaaq ka bilaabi doonaan marka leysku xiro wadada xiriirisa baydhabo iyo afgooye oo ay ku sugan yihiin ururka Al shabaab.

 

|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

— Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com —

Leave A Response »