Culimada Puntland oo ka digtay in dhalinta Amni darro loo adeegsado.

Moos Bukeeni February 22, 2013 0
Culimada Puntland oo ka digtay in dhalinta Amni darro loo adeegsado.


 

Culimaa’udiinka ku dhaqan magaalada Garowe oo sallaadii jimcaha ka dib ka hadlay masaajida magaalada Garowe ayaa kaga digay dhalinyarada reer Puntland in loo adeegsaday dhibaatooyinka Amniga darada iyo dilalka qorsheysan ee loo geysanayo culimada,ka dib dilkii Shiekh Cabdulqaadir Nuur Faarax

Qudbadihii sallaada Jimcaha Masaajida Magaalada Garowe ee xarunta dowlada Puntland ayaa waxay gebi ahaantood u wada badnaayeen kuwa cilimadii ka hadashay ay ku guubaaniyeen shacabka ku dhaqan magaalada gaar ahaan dhalinyada in ay ka qeybqaataan sugid amniga ka hortaga dhibaateynta dadka birimageydada ah  iyo in ay ia digtoonaadaan in loo adeegsado falalka amniga lagu waxyeeleynayo.

Shiekh Maxamuud Xaaji Yuusuf oo ah Maamulaha Jaamacada Bariga Africa Qeybteeda magaalada Garowe kana tirsan Jamaacada Culimada Al-ictisaam oo qudbadii sallaada Jimcaha ka aqrinayay Masjidka Raxme waxaa uu kaga waramay In Alle ha u naxariistee Shiekh Cabdulqaadir Nuur Faarax uu ka mid ah culimadii soomaaliyeed  ee ka hortagtay in dagaalada ka socda degaanada Koonfurta iyo bartaha dalka Soomaalia in ay firaxad kooda soo gaaraan degaanada Puntland

Afhayeenka Nabadoonada Puntland Khaliif Awcali ayaa dhankiisa sallaada jimcaha ka dib hadal uu ka jeediyay masjidka raxma waxaa uu fariin u diray dhalinyada iyo guud ahaan shacabka reer Puntland in laamaha amniga kala shaqeeyaan sugida amniga Puntland.

Gudoomiyaha golaha fulinta jamacaada Calima Al-Ictisaan Shiekh Ahmed Cabdisamd Cabdulaahi oo isna dhankiisa aqrinayay qoraal ay ka soo saareen qudbadihii kale duwana ee ay maanta ka jeediyeen masaajida magaalada  Garowe waxaa uu fariin u diray shacabka soomaaliyeed in ay laamaha amniga usoo gudbiyaan cid kasta oo ku lug leh dilkii Garowe loogu geystay Alle ha’unaxariistee Sheikh Cabdulqaadir Nuur Faarax.

Raadraacnews

PuntlandSomalia

 

|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

— Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com —






Leave A Response »