Dab Qasaaro Geystay oo Xalay Fiidkii ka Kacay Xeryaha Qaxootiga ee Dhadhaab

Faarax February 23, 2013 0
Dab Qasaaro Geystay oo Xalay Fiidkii ka Kacay Xeryaha Qaxootiga ee Dhadhaab


Wararka naga soo gaaraya Xeryaha Qaxootiga ee Dhadhaab  ayaa Tibaaxaayo in uu Xalay fiidkii  Dab Xoogan ka kacay Goob ganacsi oo aheyd meelaha ugu Mashquulka badan Suuqaasi ayaa waxaa u  Dabkaasi Gubay Goobo Ganacsi oo aad u fara badan.

Dabkaan ayaa waxaa uu sababay Qasaaro aad u Fara badan wuxuuna aad u Burburiyey Xarumo Ganacsi oo ka Agdhawaa Meesha uu Dabka ka kacay kahor inta aan la damin dabka mana Cado Sababta Rasmiga ah ee ka Dambeysay in uu Dabka Kaco.

Sida ay warbaahinta u Xaqiijiyeen Goobjoogayaal ku sugan Halka uu dabka ka Kacay ayaa sheegey in uu Dabka Geestay Qasaaro fara Badan sida Wuxuu Gubay Hotelo, Farmashiyaal, Dukaamo iyo Goobo kale oo Fara Badan.

Dabka ayaa waxaa hakiyey dadkii Shacabka ahaa ee goobtaasi ku sugnaa Mana Jiro Wax Gurmad ah ama Caawimad ay ka Heleen Maamulka Dowlada ka Arimiso balse ay dadkii markii dambe ku Guuleysteen in ay dabka Damiyaan Dadka Shacabka.

Balse ilo Wareedyo kale aan ka heleyno Goobta uu Dabka kacay ayaa sheegaayo in goor dambe oo lagu guuleystay in dabka la hakiyo ayaa waxaa Goobta Soo gaaray Gurmad Dab Damis oo ka Socday Hay’ada Samafalka UNHCR.

|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

— Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com —


Leave A Response »

 

Facebook

Get the Facebook Likebox Slider Pro for WordPress
HTML Snippets Powered By : XYZScripts.com