Dadweynaha Puntland Iyo Saamaynta Hanaanka Axsaabta Badan (Warbixin)

Faarax February 2, 2013 0
Dadweynaha Puntland Iyo Saamaynta Hanaanka Axsaabta Badan (Warbixin)


 

Guud ahaan deegaanada Puntland ayaa waxaa laga dareemayaa marxalad is bedel oo ku aadan ka gudubka hanaan 10-sano kabadan ay isku maamulaysay,iaydoo ay muuqata ifaafaalo ama saxansaxada dimuqraadiyadda & nidaamka axsaabta badan oo Dasturkeedu dhigayo inay isku maamusho waana mid ka mid ahaa himilooyinkii ugu waawaynaa 1998-dii la qorsheeyey in 3-sano gudohood lagu sameeyo balse soo raagtay ama duruufuhu ay saamixi waayeen.

Isbedel kasta oo la samaynayo waxa uu leeyahay caqabado ka hor imaanka kara,inkastoo arrimaha qaarkood si sahlan lagu dhaafi karo,waxayna u baahan tahay si loo gaaro dulqaad,juhdi,& dhaqaale in loo huro,waana ta keentay in maanta Puntland si hufan ku gaarto ama dhaafto inta badan caqabadihii ku xeernaa in loo gudbo nidaamka axsaabta badan.

Toddobaadyadii u danbeeyey waxaa dadweynaha reer Puntland ay toos u arkeen wadada isbedelka,ka dib markay arkeen in durba iyadoon la gaarin doorashada golayaasha deegaanka,tan Baarlamaanka & madaxtinimda inay talada wax ku leeyihiin masiirkooduna uu gacanta ku jiro,sababtoo ah urur kasta waxaa uu waydiisanayey taageero isagoo la fariisanaya qaybaha umadda halka awal aysan taasi jirin oo siyaasiyiintu ay markay xil u cararayaan ay la kulmi jireen keliya odayaasha.

Odayaasha dhaqanku,waa bud dhigayaashii Puntland,umana jeedno in keligood la tashigoodu uu dhib keenay,balse waa tilmaan qayb ka ah isbedelka muujinysana indhamaan dadku ay talada dalka ay dawr ku leeyihiin,waxana dooran karo lana dooran karo sida uu qabo Dastuurka Puntland.

Waxaa xiiso gaara yeeshay goobaha inta badan dadku ku kulmo,su’aalaha u badan & hadalhaynta ayaa ah Ururkee ku biirtay,ururkee baad is leedahay waa ugu barnaamij wacanyahay,dhalinyarada oo u badan mujtamaca ayaa iyagu is waydiiya ururkee baa hoos u dhigi kara shaqo la’aanta & arrimo kele ku xeeran nolasha & baahiyaha jira.

Iswaydiinahan ayaa kuu cadaynaya soo dhawaynta dadku doonayeen inay talada dalka dawr ku yeshaan,waayo su’laahan waa kuwo Shirweynaha ka dib la iswaydiin jiray ama marka ay soo dhawaato doorashada golayaasha deegaanka, marka la fiirayo dalalka ama maamulada isbedeladan saameyey,waana tan markhaatiga u ah sida dadku hanaankan ay ugu baahnayeen.

Ugu danbayn xilligan oo badi ay socdaan shirweynayaasha 6-da Urur siyaasadeed ayna magaalada Garoowe jogaan ergooyin ka badan kuwii Puntland asaasay 1998-dii ayaa waxaa amaanka magaalada & goobaha lagu shiriyaba sugayo ciidamo dawladda Puntland oo si cadaalada oo isku mida u sugaya amaanka dhamaan goobaha ururadu ay ku qabsanyaan shirweynayaasha.

SOURCE: ALLPUNTLAND

|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

— Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com —






Leave A Response »