Degmada Afgooye oo Dib uga Bilaabatay Caado Dhaqameedka Istunka.

Faarax February 3, 2013 0
Degmada Afgooye oo Dib uga Bilaabatay Caado Dhaqameedka Istunka.


Magaalada Afgoye ee gobolka Sh/hoose ayaa waxaa dib uga bilowday caada dhaqameedka istunka mudo afar sano kadib.

Xili sanadkasta la ciyaari jiray caada dhaqameedka istunta ayaa waxaa hakad ku yimid markii degmada Afgoye gacanta u gashay shabaab iyadoona shabaab ay manuuceen caadadaas ayna ku tilmaamen wax diinta aysan ogoleyn.

Cabdulaahi Axmed Cabdi Iidoow oo ah Guddoomiyaha Degmada Afgooye ee Dowladda Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta ayaa wuxuu sheegay in caado dhaqameedka istunka ay tahay arin ay sameyn jireen shacabka Degmada Afgooye iminkana dib loosoo nooleeyay.

Guddoomiyaha Degmada Afgooye ayaa sheegay in ay soo agaasimeen ciyaarta ayna keeneen ulo yar yar oo aan dhibaato geysan karin.

Tan iyo markii shabaab gacanta ay ku dhigeen degmada Afgoye ayaana ciyaarta laga dhigin  degmada hase yeeshe hada ayaa dib loo soo celshay ciyaarta.

|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

— Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com —






Leave A Response »

 

Facebook

Get the Facebook Likebox Slider Pro for WordPress
HTML Snippets Powered By : XYZScripts.com