Dowlada Soomaaliya oo Casuumaad ka Heshay Dowlada Japan

Faarax February 22, 2013 0
Dowlada Soomaaliya oo Casuumaad ka Heshay Dowlada Japan


Dowlada Soomaaliya ayaa waxaa lagu Marti Qaaday Shir Caalami oo loogu Hadli Doono Arimaha afrika Gaar ahaa geeska Afrika ay Soomaaliya Qeyb ka tahay isla markaana waxyaabo Badan oo Soomaaliya ku saabsan loogu Hadli Doono.

Shirkaan ayaa waxaa Soo Qabanqaabiyey Dowlada Japan waxaana lafilayaa in ka dhaco dalka Japan waxaana Dowlada Soomaaliya loo keenay Warqad Cadeyneysa in lagu Casuumay Shirkaasi isla markaana ay ka Soo Qeybgasho.

Safiirka cusub ee Japan u soo Magacaawday dalka Soomaaliya oo shalay warqadihiisii Aqoonsiga laga gudoomay ayaa Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud u keenay warqada casuumaad ee ku aadan ka qeybgalka shirkaasi.

Ambassador Atoshisa Takata ayaa sheegay in shirka TIKAD (Tokyo International Conference for African Development) oo ah shir caalami ah oo looga hadlayo hormarinta  qaarada Africa uu bishan June 1-3 ka dhaci doono Magaalata Tokyo ee caasimada dalka Jaban.

Danjiraha Japan ee Soomaaliya ayaa intaasi ku daray in Shirkani uu yahay kii shanaad ee la qabto tan iyo Markii la asaasay TIKAD oo ah shir ay ugu talagashay dowladda Japan hormarinta qaaradan Africa.

Atoshisa Takata ayaa hoosta ka xariiqay in dowladda Japan ay ka go’antahay sii wadida wada shaqeynta ay la leedahay dowladda Soomaaliya, isagoo tilmaamay in hormarka Soomaaliya ka jira uu soo jiidanayo indhaha dowladaha caalamka.

Shirkan caalamiga ah ee TIKAD ayaa la soo bilaabay sanadii 1993dii, waxaana la qabtaa shanti sanaba mar, iyadoo hadii uu ka qeybgalo Madaxweyne Xasan Sheekh Shirkaasi Caalamiga ha uu noqonayo Madaxweynihii ugu horeeyay ee Soomaaliya ka socda ee ka qeybgala shirkaasi.

 

|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

— Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com —







Leave A Response »

 

Facebook

Get the Facebook Likebox Slider Pro for WordPress
HTML Snippets Powered By : XYZScripts.com