Faalo: Arsenal tii hore mise tan hada. iyo wararkii ugu danbeeyey ee Arsenal.

Faarax February 19, 2013 0
Faalo: Arsenal tii hore mise tan hada. iyo wararkii ugu danbeeyey ee Arsenal.


 

arsenal waxa  ay ka mid tahay kooxaha ugu waa wayn ee horyaalka england, taas oo ay jirto Gunners waxa macalin u ah macalinka labaad ee ugu cimriga dheer horyaalka England, oo waxa uu Gunners soo hogaamineyey mudo ku dhaw 17 sano ah.

Arsen Wenger waa macalin ka soo jeeda dalka France, waxana uu hada ku jira waqti ka mid ah waqtiyadiisi ugu xumaa e Arsenal, waayo mudo 7 sano ah Mr Wenger ma qaadin wax koob ah waxana ugu danbeeyey koob uu qaado sanadkii 2005 markaas oo ay kooxdan ka dhisan dhisan waqooyiga London ee Arsenal ay Koobka FA Cupka ka qaaday kooxda Red Devils,waxana koobkaas kor u qaadey kabatankii kooxda Arsenal ee Viera Ka dib Arsenal ma qaadinwax koob ah.

Waqtigaas Arsenal waxa joogey laacibiin waa wayn oo caalamka caan ka ahaa oo uu ay ugu horeeyen Thiery Henry, Kolo Toure, Denis Bergkamb, Gilberto Silva, Jens Lehman, Ashley Cole, Roberto Pires, Sol Campel. Roben Van persie, Cecg Faabregas, Jose Antonio Reyes, Ljunberg iyo weliba laacibiin kale, waxayna wiilashan ahaayeen kuwii suurto geliyey in Arsenal sanadkii 2004 ay horyaalka England ku qaado iyada oo aan laga badin ama dhinaceeda dhulka la dhigin ( Un beaten ).

Intaas ka dib Gunners waxa ay usoo baxdey Finalkii koobka uefa Champions League sanadkii 2006 markii guulo taarikhi aha ka soo kala gaartey kooxaha Juventus, Real Madrid iyo weliba kooxda Villareal, waxa ayna Finalkii magaalada Paris ku kulmeen kooxda Barcelona ee ka dhisan horyaalka Spain.

Kulankaas kooxda Gunners ayaa hogaanka qabatey ka dib markii uu madaxa kubad karoos ahayd oo ka timi Henry uu madaxa ku dhaliyey Sol Campel.

Laakiin waxa ciyaarta banaanka looga saarey gool hayihii kooxda Gunners iyo xulka Germany Jens Lehman ka dib marki uu lugta ku dhagay weereryahankii kooxda Barcelona ee Eto’e.

Ugu danbayntii Arsenal waa laga qaadey koobkaas waxayna Barcelona kaga badisey Arsenal 2:1 sidaasna Arsenal iyada oo fara maran ay dib ugu soo noqotey magaalada London.

Paatrick Viera, Thiery Henry, Gilberto Silva, Willam Gallas, Cecg Faberegas, iyo Roben Vanpersie oo dhamaantood ahaa kabtano ayaa macalinka Arsenal kooxda ka direy oo uu suuqa dhigey, ma aha laacibintan oo kaliya laakiin laacibiin laf dhabar ahaa ayaa kooxda faarujiyey, waxayna taas sabatey in Gunners wax koob ah qaadin 2005 ilaa hada oo lugu jiro 2013.

  Wararkii ugu danbeeyey Gunners

* Jack Wilshere waa laacibka hada ka dhalaaya kooxda Gunners, waxana soo baxaya warar sheegeya in kooxda Dabinka u dhigata Laacibiinta muhiimka ah ee Arsenal Waa kooxda Barcelona ay dooneyso in ay kooxdeeda ku soo kor dhiso laacibkan heerka caalami ee xulka Three Lionka England.

* Arsenal waxa ay Asbuucan ka hartey koobka FA Cupka oo ay ka reebtey kooxda Heerka labaad ee Blackboarn Rovers oo marti ku ahayd garoonka Arsenal ee Fly Emarates, taasna waxa ay sababtey in Arsenal ay hada u dagaalamayso hal koob ah oo ah koobka horyaalka Yurub oo ay caawa qaabaili doonto kooxda Reer Germanay ee Baayern Munich.

Hadaba Aqristoow ma Arsenal tii hore mise tan hada maxaa sababey in Arsenal oo ka mid ah kooxaha ugu waa wayn ee qaarada yurub iyo horyaalka England  aysan wax koob ah qaadin mudo 7 sano ah?

Barcelona hadii ay gacanta ku dhigto Wilshere maxaa soo food saari kara Gunners?

Ciyaaro.net

|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

— Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com —






Leave A Response »