Farinsiiska oo Xukumay Dhalinyaro Soomaali ah oo lagu soo Edeyey Burcadbadeednimo.

Faarax February 2, 2013 0
Farinsiiska oo Xukumay Dhalinyaro Soomaali ah oo lagu soo Edeyey Burcadbadeednimo.


 

Maxkamad ku taala magaalada Paris ee xarunta wadanka Faransiiska ayaa
xukuno u dhaxeeya 4 illaa 8 sano oo xarig ah ku riday dhalinyaro
Soomaali ah oo lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin burcad badeeda
Soomaaliyeed.

Dhalinyaradaan la xukumay oo 4 ruux gaaraya kuna eedeysan inay
sanadkii 2008 afduubteen markab laga leeyahay wadanka Faransiiska oo
marayay gacan biyoodka Cadan ayaa waxaa ay da’dooda u dhaxeysaa 22
sano jir iyo 36 sano.

Gudoonka maxkamada Paris ee dacwada dhalinyaradaan qaaday ayaa ku
dhawaaqay in kooxdaan Soomaalida ah ay halis galiyeen nolosha 2 ruux
oo Faransiis ah oo la socday markabka Carre d’As oo gacanta burcad
badeeda galay bishii September, sanadii 2008 walaw mar dam,be laga bad
baadshay.

Sida ay qorayso wakaaladda Wararka AFP muwaadin kale oo Soomaaliyeed
oo asna dhalinyarada maxkamada lala soo taagay aya maxkamadu ku
waysay wax dembi ah oo ay iska fasaxday

Dacwad oogayaasha ayaa maxkamada ka dhex sheegay in dhalinyaradaan ay
dalbadeen xilligii ay afduubka u heysteen markabka Faransiiska lacag
dhan 2 million oo Dollar oo madax furasho.

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ayaa sanadii 2008 dhalinyaradaan
ka qabtay biyaha Soomaaliya.

|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

— Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com —






Leave A Response »

 

Facebook

Get the Facebook Likebox Slider Pro for WordPress
HTML Snippets Powered By : XYZScripts.com