Gudoomiyaha Gobalka Bari oo ka Hadlay Rag u Sheegay in ay Amniga Bosaso Qalqal ku hayan (Dhagayso)

Faarax February 9, 2013 0
Gudoomiyaha Gobalka Bari oo ka Hadlay Rag u Sheegay in ay Amniga Bosaso Qalqal ku hayan (Dhagayso)


 

Gudoomiyaha Gobolka Bari Cabdi,Samad Maxamed Galan oo maanta Warbaahinta kulahadlay xafiiskisa Magaalada Bosaso ayaa ku eedeeyey siyaasiyiinta Mucaaradka ah in ay wadaan Arrimo ka dhan ah Amniga iyo Xasiloonida Puntland, isagoo xusey in ay ka dambeeyeen Dibad baxyo kadhacay Magaalada Bosaso Maalmihii aynu soo dhaafney iyo weerar xalay lagu qaadey xaruunta Matoorada ee shirkada Golis


Shirka Jaraid ayuu ku Xusay Magacyaa Shaqsiyaad qaarkood markii ugu horaysay la Maqlay in arrimaha uu ku edeynayo ay lug ku leeyihiin.

“Waa naga dhamaaday dulqaadkii cidna ka yeelimayno inay nabadgelyada wax u dhinto,magaalada Boosaaso waa magaalada Ganacsiga Puntland cidii isku dayda inay wax u dhintana waan ka hortegaynaa “ayaa ka mid ahaa hadalda Gallan.

Arrimahaan ayaa ku soo adaya xili labadii Maalmood ugu dambeeye ay ka dhaceen Bosaso dibadbaxyo la soo abaabulay oo dadku ay ku Muujiyeen in ay diidanyihiin Madaxda Talada Dalka Haysa.

Haddaba Hoos ka Dhagayso Codka Gudoomiyaha Gobalka Bari ee Shirkisa Jaraid.


|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News oo ku Darso Face Book si aad u Hesho
Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

— Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com —

Leave A Response »

Facebook

Get the Facebook Likebox Slider Pro for WordPress