Haweenka Afganistan oo la Askariyeynayo iyo Daliban oo ka Digtay Arrintaas (Daawo)

Faarax February 18, 2013 0
Haweenka Afganistan oo la Askariyeynayo iyo Daliban oo ka Digtay Arrintaas (Daawo)


 

Waxaa markii ugu horeeysay inta Taariikhda la ogyahay oo Ciidamo Milatari ah laga dhigay Dumarka dalka Afghanistaan oo in mudo ah aanan ka qeeyb qaadan Ciidamada xooga dalka Afghanistaan ama dagaaladii ahliga ahaa ee halkaas ka dhacay kaddib markii talada dalkaas ay la waregen Dalibaniyiinta Muddo sii horaysay. 

Dumarkaan oo Muslimiin ah waliba Qalab casri ah oo Kaamerooyin wata lagu rakibay waxaa loogu tala galay in ay baaraan Haweenka laga shakiyo inay wax qarxin rabaan ama dumarkii loogu tago Guryaha iyaga oo Qaraxyo ku diyaarsanaya ama maleegaya.

Ciidamada Taalibaan ee ka dagaalama dalka Afghanistaan ayaa ka digay in Dumarka dalkaas Ciidamo ay noqdaan waliba raga ka bar bar dagaalamaan balse Haweenka iminka laga dhigay ciidamada Milatariga dalkaas ayaa tababar culus loo soo xiray waxaana intooda badan u qarsoon Wajiga iyo afka waxaana laga safay Hubka ay wataan ciidamada Mareeykanka mid la mid ah kuwooda casriga ah.

Hoos Ka Daawo sawiro iyo Filim Muujinaya Shaqadooda.

vlcsnap-2013-02-18-22h47m38s248

vlcsnap-2013-02-18-22h49m45s41

vlcsnap-2013-02-18-22h49m59s204

 

Hoos ka Daawo Filim Muujinaya Shaqadooda






|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

-- Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com --

Leave A Response »