Isbadalka Siyaasadeed iyo Iftiinka Qaranimo ee Maanta

Faarax February 19, 2013 0
Isbadalka Siyaasadeed iyo Iftiinka Qaranimo ee Maanta


Untitled

Tan iyo Markii ay Daaqada ka baxday Dowlada Dhexe ee Melatariga Aheyd ee Allaha u Naxariistee Jaalle Maxamed Siyaad Bare 1992, Meeshana ka Baxday Nidaamkii iyo kala Dambeyntii Dowladnimo Dhamaan Shacabka Soomaaliyeedna u kala Firdhadeen Dhamaan Daafaha Caalamka ayaa Waxaa la Waayey Jihada ay Siyaasada Soomaaliya Ku Wajahan tahay.

Dhamaan Dadka Soomaaliyeed Waxay Faraha la galeen Xaalado kala Duwan oo wada Cakiran haba ugu Badnaatee Magaalada Muqdisho oo aheyd Xudunta Dagaalada Soomaaliya iyo Guud ahaan Dalka Soomaaliya Waxaana Majaraha Dadka Soomaaliya iyo Siyaasada ay gacanta u Gashay dad aan eegin aayaha Dambe ee dalka iyo shacabka Soomaaliya Meesha uu ku Biyo Shuban Doono dadkaasi oo ahaa Saraakiil Soomaali ah oo diidanaa taladii Jaalle Siyaad Bare.

Hada Su’aasha isweydiinta Mudan Waxa ay Tahay Rididaankii Dowlada Siyaad Shacabka Soomaaliya ma u Darsday Mise ? Ragii Riday Dowlada Melitariga ee Dhidibada u Siibay Maxay Mid kale u Keeni Waayeen ? hada Qof Walba oo Mawaadin Soomaaliyeed waa Mid Maskaxdiisa ka Guuxesyo balse ilaa hada Waa su’aal hugumo Siyaasadeed ah oo la maareyn kari waayey.

Burburkii ka dab dalka Waxaa gacanta ku dhigay Ragii Fiiqday Sharaftii iyo Karaamadii umadeedana deedna gatay Dhamaan Hantidii Qaranka Jaale Siyaad uu Tabcay iyo Dhamaan adeegyadii Bulshada sida: Dhamaan Xarumahii Danta Guud, Isbitaalada Dowlada, Guryihii Dowlada Soomaaliya iyo Dhamaan wixii kale uu lahaa Shacabka Soomaaliya iyadoo Qalan iyo Waraaq lagu Soo koobi Karin.

Dhowr Sano kadib ayaa waxaa ay dowlada aan sida aadka ah aan walaalaha u nahay aheydna Dowlada sida Rasmiga ah u caawisay Soomaaliya ee Dowlada Cismaaciil Cumar Geele ee jabuuti ayaa lagu Soo Dhisay Dowlada taas oo ay shacabka Soomaaliya y sacaba Tumaayeen Rajo Qaran iyo Ifafaalo Dowladnimo ku Beertay Shacabka Soomaaliyeed waxaana Madaxweyne Loo Soo Magacaabay Cali Mahdi Maxamed balse Dowlada Mahdi ayaa Noqotay Mayaay Roob oo Biyo laheyn waayo waxay kale ay heshay Magaca Dowladnimo Mooyee ma aysan Noqon Sidii ay Shacabka Soomaaliyeed ay ugu Riyaaqeen, Waxaana Dagaal culus kala Horyimid dad siyaasad Soomaaliya Caan ku ahaay isla Markaana Hubeysaanaa oo dharaar cad magaalada ka saaray Ciidamadii Cali Mahdi Maxamed rajii Shacabkana ay Noqotay Gambal sii Liicaayo, waxaana Rajo iyo Agoonba noqday Dhamaan Hididiiladii Shacabka Soomaalyeed gaar ahaan Shacabka reer Muqdisho.

Soomaaliya oo caga la gashay xaalado kala Duwan oo ku saleysan Qaab Beeleed Hogaankana ay u hayaan ragii Riday Dowlada Dhexe ee Soomaaliya ilaa Iminkana ku Dagaalamaayo dano gaar ah iyo Mid Qabiil, April 1992 – March 1993 Soomaaliya Waxaa Xiligaasi soo Caga Dhigtay Ciidamo ka Socday QM Kuwaasi oo Xarumo Milatari ka sameystay Magaalada Caasimada ah ee reer Muqdisho Taasina waxay Murugo iyo Walaac ku Beertay Muwaadiniinta reer Soomaaliya.

Ciidamada Soomaaliya ayaa Waxay Wadeen Magaca ah United Nations Operation in Somalia (UNOSOM) oo Soomaaliya Wax badan ka baday Kuwaasi oo Dhanka Nolosha wax la Taaban karo u Qabtay Waxayna Meelaha ay Baarta ka dhacday ee Deegaanada iyo Gobolada Koofurta ay Gaarsiiyeen Raashiin ay u Qeybiyen Umadii Halkaasi joogtay Balse ugu Dambeyntii Dagaal Xoogan oo lala Galay Gadib ku Guul dareysatay in ay Siyaasada Soomaaliya wax ka Bashado UNOSOM iskagana Baxday Dalka Soomaaliya Guud ahaan.
Bixitaankii UNOSOM ka Dib Dalkeena Soomaaliya Gacanta ku Dhigay siyaasada iyo Habsami u Socodka Geediga Rajada Qaranimo ee Shacabka Soomaaliyeed hogaamiye kooxeedyo ku Libisanaa Magaca Qabiil, Ayagoo ku dagaalamaayo Danaha Gaarka ah iska iloobay danaha Guud, Waxayna Dalka Soomaaliya iyo Shacabka u Horseedeen. Burbur, Barakac rafaad, Gaajo, Gadashada Dhiiga Shacabka, kala Qoqobka Shacabka iyo Dagaalo aan Joogsi laheyn oo maalinba Waji Cusub la Soo Baxaayo.
Rajada Shacabka waxay sii Kortay Geed Dheer Waxayna Saaran tahay Hayin aan Hogaamin Laheyn Balse aan la aqoon Meesha lagu Furi Doono, balse Cidkasta waxay ka Quusatay in ay Dib dambe u arkeyso Qaranimo Soomaaliyeed Waayo Dowlada kasta oo la soo Taago Dalka waxa Xidido Siibaayey Rag ku Dagaalamo Magaca Qabiilka iyo Dano gaar ah.
Maxkamadaha Islaamka ee horraantii sanadii 2006-da kasoo muuqday Koonfurta dalka Soomaaliya ayaa shacabka Soomaaliyeed Waxa ay u arkayeen in ay rajadii saarneyn Hayinka misana loo La’aa Meel Ceynka Loogu Furo ayaa Soo Dhawaatay Shacabka waa mid daalan oo Diif iyo Diihaal ka muuqdo.
Maxkamadaha Islaamka Waxay dagaal Ba’an la Galeen Ayagoo gacanta ugu Badan ka Helaayey Shacabka Soomaaliyeed Kooxdii dalka Dhibka ku heysay oo la Baxay isbaheysiga loo magac daray Argagixiso la dirirka kaasi oo soomaalida ay durba ku magacaabeen Isbaheysiga ashahaado la dirirka waxaana ka dhex Qarxay Dagaal Xoogan oo Dhinac ka Dhinac Noqday kaas oo ka dhacay Magaalada Muqdisho, Shabeelada Dhexe iyo Shabeelada Hoose.
Balse Maxkamadaha Islaamka Waxay ku Guuleysteen Dagaalkii ay la Galeen isbaheysiga loo magac daray Argagixiso la dirirka Waxayna Gacanta ku dhigeen Bartamaha iyo Koofurta Dhamaan Kaaba Qabiiladiina Waxay Baqo Carar ku Galeen Magaalada Baydhabo oo Xiligaas ay Jirtay Dowlada aan Sidaa u caga Buurneyn taas ay dhib ku Hayeen Hogaamiye Kooxeedyadii.
Qabsashada Maxkamadaha Islaamka iyo Guusha waxay Rajo Cusub u noqotay Shacabka Soomaaliyeed Waxay u Ruxayeen Caleemo Qoyan Waxayna Shacabka La Hayeen “ Shariifow Soo Dhayow” oo Xiligaasi Hogaaminaayey Maxkamadaha Islaamka.

Wada hadal ay isku Yimaadeen Dowlada Taagta Darneyn ee Cabdulaahi Yuusuf Axmed iyo Cali Maxamed Geedi ayaa waxaa ay dhamaan ku soo Afgarmeen Fishil iyo Guuldaro  balse ugu Dambeyn Maxaakimtii Islaamka waxaa looga adkaaday dagaallo ay ka galeen Iidaale,Bandiiradleey,Beled-Weyne iyo meelo kale, laakin taaso oo dhamaan Shacabka soomaaliya ku riday Rajo Xumo Hor leh, kadibJabkii Maxkamadaha Islaamka waxaa Magaalada Muqdisho iyo Koofurta Soomaaliya Soo Caga Dhigtay Cadow Soo Jireen ah oo mar uu ku Taami Jiray Goormaad Muqdisho Tagtaa in muqdisho ay gasho Itoobiya oo taangiyadeedii wadato taas oo dhamaan Damiirka Soomaaliya Badashay kii Ruxan karana Ruxday kii Kale Qeylo Afka labada ka kala Dhigay Dhamaa Mawaadiniinta Soomaaliyana ku Noqotay Uur ku Taalo Xanuun badan, laakiin kuma nagaan oo dagaal xarakaadkii hubeesnaa ay la galeen ka dib, ugu danbeen soomaaliya way ka baxday, iyadoo dhaawac culus uu gaaray.
Mudo kadib Muqdisho Waxay Gacanta u gashay Dowlada Korneel Yuusuf iyo Ciidamadii Itoobiya balse habeen ay Taariikhdu  aheyd 26 December 2006 xilli habeen ah ayay hogaankii Maxaakimta Islaamka ku dhawaaqeen in ay ka baxayaan magaalada Muqdisho iyo gobolada ku dhaw dhaw waxayna u jiheysteen dhanka magaalada Kismaayo iyo Jubbooyinka halkaasi oo markii dambe ay ku duqeeyeen diyuuradaha dagaalka Mareykanka.
Burburkii Maxkamada Islaamka Kadib Waxaa Masraxa Siyaasada Soomaaliya Soo Koray Dowladii Cabdulaahi Yuusuf Balse mudo Kadib Cabdulaahi Yuusuf  wuxuu ka Dagay Xilka Badaxdinimo isla markaana waxaa dalka Jabuuti ee Caasimada Jabuuti lagu Qabtay Doorasho Madaxbaan oo Dhamaan Waxgaradka iyo Siyaasiyiinta Soomaaliya ay iskugu Tageen Dalka jabuuti ay Doorashada ka Dhaceysay Waxana Xilka Madaxtinimo ku Guuleystay Sheekh Shriif Sheekh Axmed oo Siyaasada ka Soo galay Dhanka Maxkamadaha Islaamka shacabkana waxay taawiyeen ama ku hamiyeen in ay Heleen Hogaan Dhab ah Dowladnimo Rasmi ah Balse Maxaa ka Dambey ?.
Rajadii iyo Ifafaaladii Shacabka Soomaaliya ee Saarneyd hayinka aan la Aqoon Halka Lagu Furidoono ayaa waxay sii Noqotay Mid ka sii Fogaado halkee Hore kadib Markii Dowlada Shariif  ee magaalada Muqdisho u Soo Ambabaxday in ay saldhigato ayaa Lagu Soo Dhaweeyey lagu Soo Dhaweeyey Madafiic Culculus, dalkana uu dib ula Galay dagaalo Cusub iyo barakac hor leh waxaana Dagaalo iyo Hadalo lagu Duleynaayo Dowladii Midnimada Qaran Shacabka si Qasab ah ugu sheegtay Kooxda Al-Shabaab.
Sheekh Shariif Sheekh Axmed Wuxuu Saxada Siyaasaddeed ee Soomaaliya uu Soo Koray Asiga oo la Jecel yahay Dhamaana Shacabka Soomaaliya ay u sacaba Tumayaan balse markii uu Baxaayey Dhamaan Shacabka Waxaad moodaa in Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu san aheyn kii shalay ay Afkooda ku Lahayeen Shariif Soo Dhawow!!! Waa Yaa!! Soomaaliya Yaa u Roon ?
Durbadii Waxaa Dagaalo iyo Madaafiic aan loo Aabo yeelin laga Maqlay Magaalada Muqdisho Waxaana Dowladii Shariif Dagaalo kala Horyimid Kooxo Islaamiyiin ah oo kala Mabda ahaa asalkoodii Hore Waxaana Maqalka Dhagaha Shacabka Si Qasab ah ku soo galay ururkii Al-shabaab iyo Xisbul islaam, balse Wali ma Isweydiisay Goobta ma Muqdishaa Mise Waa Goob Dagaal ?!!
Dagaal aan Dhamaad Laheyn kadib Qalow iyo Qabri Burburin ka Dib hadane Arinta Waxay Noqotay Faanoole Wali Fari Kama Qodna, Fardo la Isku Haayana La iskuma Faaniyo”
Kadib markii ay Culimadii Soomaaliyeed gaar ahaan culumadii suufiyada oo iyagu aagaga dagaal ka sameestay qeybo ka mid Galgaduud iyo G/Dhexe, qeybna ka noqday dagaalka socda qiilna ka dhigtay in ay Al-shabaab Burburiyeen Qabriyo ay iska Digrin jireen kana Soo Horjeesteen Digrigav.
Maantay ayaan Joognaa !!
Waxay ahayd 10-kii Septembar 2012 oo aheyd maalintii Shacabka reer Muqdisho ay Soo Dhawaaday Rajadii la’ la aay meel rarka loogu Dajiyo kadib markii dalka Soomaaliya ay ka dhacay doorasho Xor oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho  42 sano kadib, waxaana Cod Qalbiyad leh Codka ku Heley Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ah hada ah madaxweynaha Dowlada Federalka Soomaaliya.

Dhamaan Shacabka Soomaaliyeed Meelkasta ay Joogaan Waxaa isoo Caraftay oo u soo Bidhaantay udgoonka iyo Carafta Dowladnimo iyo Rajadii saarneyd Hayinka aan la heyn meel rarka loogu Dhigay Dhamaan Shacuubta Soomaaliyeed waxay is isku Mid ah u Soo Dhaweeyen dowlada Cusub aan aheyn ku Meel gaar ee federalka ah ayn tahay Dowlad Rasmi ah oo ka Hana qaatay gayiga Soomaaliya.
Shacabka Soomaaliya ayaa Rajo Wanaagsan ka Muujiyey Iftiinka Dowladnimo iyo Rajada Qaranka ee Dib ugu Soo Noolaatay Quluubta Shacabka Muqdisho  kadib markii ay xukuumada Cusub ay soo Dooratay Wasiiro Tiro yar Baalamaankuna ahaa Mid lagu wada Qanacsan yaahy waxayna Shacabka Soomaaliyeed ay dib ugu soo Wada Laabanayaan Dalkooda Hooyo oo in mudo ah ay ka Holcayeen Dagaalo balse iminka u Muuqato Mid Nabdoon.
Dowlada Boqol Bari Jirsatay  ayaa waxay Shacabka Soomaaliyeed ay ka Filayaan in ay Keento Meesha Hayinka Raran Lagu Furaayo sidaa ay tahayna Dowlada Federalka Soomaaliya ayaa waxaa Horyaalo Caqabado Fara badan oo adag haba ugu Darnaado Amniga Dalka Soomaaliya, Al-shabaab iyo Maamulada Dalka Soomaaliya Sida loo Maareynaayo.
Balse Waxaan Wada Sugnaa Waa Meesha ay Saldhigan Doonto Dowladan Curdunka ah ee Dhawaan ka Hana Qaatay Gayiga Soomaaliya iyo Isbadalka Siyaasadeed iyo Iftiinka Qaranimo ee Maanta.

W/Q: Axmed cabdi macow Basbaas

Mogadisho-Somalia

Axmedbasbaas@gmail.com

|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

— Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com —

Leave A Response »

 

Facebook

Get the Facebook Likebox Slider Pro for WordPress
HTML Snippets Powered By : XYZScripts.com