Jaamacadda Boosaaso oo Farac Cusub ka Furatay Garoowe Shaacisayna Kulliyada ku Cusub Jaamacadahii Hore (Sawiro)

Faarax February 2, 2013 0
Jaamacadda Boosaaso oo Farac Cusub ka Furatay Garoowe Shaacisayna Kulliyada ku Cusub Jaamacadahii Hore (Sawiro)


Jaamacadda Bosaso faraceeda Garoowe ayaa si rasmi ah looga furay magaaladda Garoowe ee Caasimadda Puntland,iyadoo jaamacadu xarumo hore ugu lahayd Magaalooyinka Boosaaso iyo Qardho .

Munasabad balaran oo lagu daahfurayey laanta Garoowe ayaa lagu qabtay hoolka shirarka ee Libraryga puntland ,waxaana kasoo qayb galay masuuliyiinta iyo barayaasha Jaamacadda, Ardayda, Wasaaradda Waxbarashada, Gudoonka Waxbarashada ee Gobolka Nugaal ,Waalidiinta iyo Marti sharaf kale.

Madaxa Faraca Garoowe ee Jamacadda Boosaaso C/naasir Xirsi Jaamac (Gurey)  ayaa ugu horeyn sharaxay jaamacadda laanteeda garoowe iyo baahiyihii keenay in la baahiyo jaamacada oo ay ka mid ahayd in uu ku salaysanyahay rabitaanka waxbarashada ee bulshada deegaanka ,iyadoo jaamacadu soo kordhisay kulliyado badan oo qaarkood aan jamacadaha dalka laga dhigin sida ay shegeen ,kuwasoo ardaydu ay u aadi jirtay dalalka Dariska ah.

C/nasir waxaa uu xusay in ardaydu markii hore ay garoowe kaga dhiganayeen jamacadda hab (ONLINE) ka ah ee aanay xaadiri jirin jamacada iyadoo buugaagtooda iyo casharada halkaas kala socday balse maanta ay jaamacadu xarun ka furatay magaaladda Garoowe ,si ardaydu ay uga qaybgalaan jamacadda ayna la kulmaan barayaasha bixinaysa casharada.

Maxamed Mahad Ciise  ayaa isna jeediyey warbixin dheer oo la xiriirta taariikhdii iyo marxaladihii ay soo martay jaamacadu intii ay furnayd,oo ay ka midyihiin :

  • Ardayda ka qalain jabisay
  • Kulliyadaha ay bixiso
  • Melaha ama dalalka laga aqoonsanyahay Shahadadeeda
  • Qaabkii loo bilaabay iyo halka ay maanta marayso

Waxaana uu kusoo bandhigay qaab muuqaal ah

Maxamed Jaamac Faarax oo ka mid ah aqoonyahanada soomaaliyeed ee dalka dibadiisa ku nool iminkana garoowe ku sugan oo kasoo qayb galay munasabadda ayaa isna hadal u jeediyey ardayda waxaana uu ku booriyey in dadaal dheer u galaan sidii ay meel uga gaarilahaayeen waxbarashada ,si ay ugu faaiideeyaan bulshada ay la noolyiiin ee kharashka badan ku galiyey sidii ay waxbarashada uga qaybgali lahaayeen.

Maxamed Jaamac waxaa uu sheegay in intii uu joogay  puntland uu la kulmay dhalinyaro badan oo kala duwan uuna arkay qaar aaminsan in dalka dibadiisu ay tahay meel wax kasta laga helo oo ku fudud nolosha ,balse ay tahay buu yiri meel aadan lahayn ,lama huraankuna yahay dalka hooyo

” Dalkaan waxaan anigu ku arkay intii aan joogay nimcooyin badan oo u bahan in aad ka faaiidaystaan,deegaanka iyo dadka waxaa badan deegaanka markaa walalayaal aan isaga wax u barano oo khayraadkiisa manafacaadsano intii aan u hanqal tagi lahayd dhul shisheeye”,Maxamed Jaamac.

Gudoomiyaha Guud ee Jaamacadda Boosaaso ee Puntland Dr,Maxamed Cali Faarax ayaa isna codbaahiyaha lagu soo dhaweyey waxaana uu sheegay in jaamacada Boosaaso ay ka midtahay jamacadaha dalka gaar ahaan deeganada puntland ayna ku jirto isbalarin ku adan sidii bulshada ay u gaarsiin lahay adeega waxbashada.

Gudoomiayaha Jaamacadu waxaa uu sheegay in jaamacadda Boosaaso ay xiriiro la leedahay jaamacado badan oo kala duwan kuwasoo ku kala yaal dalal ay kamidyihiin dalka sudaan oo ay xiriir kala leedahay ilaa in ka badan 10 jaamacadood ,kuwasoo ay heshiis kala saixiixatay sidii loo adkayn lahaa aqoonsiga shahadooyinka iyo waxbarashada jaamacadaha intaba.

Agaasimaha Tacliinta Sare ee Wasaaradda Waxbasharada Puntland C/laahi  Cali Jaamac (Dhubad)  oo ka mid ah masuuliyiinta puntland ee soo ajiibay munasabadda ayaa sheegay in ahmiyad weyn ay u leedahay jaamacadu magaaladda garoowe gaar ahaan bahda waxbashada

” Jaamacadu waxay ka mid tahay jaamacadaha dalka waa soo dhaweynaynaa,muhiim weeye in ay kordhaan xarumaha waxbashada dalku iyadoo loo bahanyahay in xooga la saaro sidii loo joogtayn lahaa xiriirka waxbashada Hoose ilaa tan sare ee deegaanadda Puntland”,C/laahi Cali Jaamac.

Gudoomiyaha waxbashada Gobolka Nugaal Xasan C/laahi Cilmi (Xasan Birimo) oo soo afmeeray munasabadda furitaanka Jaamacadda Boosaaso Laanteeda Garoowe ayaa u mahadceliyey Maamulka iyo Macalimiinta Jaamacadda Boosaaso dadaalka dheer ee ay galiyey Jaamacadda oo ah jaamacad mudo ka furnayd deegaanka balse maanta si rasmi ah albaabkeeda Garoowe loo daahfurayo,waxaana uu sheegay in jaamacadu ay ka midtahay jamacada kale ee Magaalada Xarumaha ku leh isla markaana ay si weyn usoo dhaweynayaan Gudoonka waxbashadu .

Xasan Birimo waxaa uu ardayda ku booriyey in ay ku dadaalan tacliinta iyadoo markii hore aanay jirin xiisad si toos ah uu macalin uga hor bixiye balse ay maanta jaamacadu nasiibka u sahashay ayna tahay arin ahmiyad gaar ah leh.

Dawo Sawirada

masuuliyiinta

Gudoomiyaha Jamacada

Arday4

ardayda2

maxamed jamac

Macalimiinta jamacada

maamulaha laanta garowe

agaasimaha tacliinta sare ee MOE

ka qaybgalayaal

 

Raad Raac News Desk Garoowe

|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News oo ku Darso Face Book si aad u Hesho
Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

— Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com —

Leave A Response »

 

Facebook

Get the Facebook Likebox Slider Pro for WordPress
HTML Snippets Powered By : XYZScripts.com